Bandhigga Filimada Afrika

Xarunta FESPACO ee bandhigga lagu qabanayo Lahaanshaha sawirka FESPACO
Image caption Xarunta FESPACO ee bandhigga lagu qabanayo

Bandhigga filimada ee ugu weyn Afrika ayaa ka furmay Burkina Faso, ayadoo amnigana aad loo adkeeyey ka dib markii weerar lagu dhintay uu caasimadda dalkaas ka dhacay sannadkii hore.

In ka badan 100,000 oo qof ayaa la filayaa inay ka qayb galaan bandhiggaas oo marka la soo gaabiyo loo yaqaanno FESPACO, kaasoo labadii sano mar la qabto.

33 qof ayaa bishii Janaayo 2016 ku dhintay weerar lagu qaaday Hotel iyo makhaayad ku yaalla magaalada Ouagadougou.

Al qaacidada Maqrib ayaa sheegtay inay weerarka qaadeen.