Wareysi: Carwo caalami ah oo Soomaaliya ka qayb galayso
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Carwo caalami ah oo Soomaaliya ka qayb galayso oo Dubai ka furantay

Magaalada Dubai ee wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta waxaa maanta ka furmay bandhig carwo oo aad u balaaran oo lagu soo bandhiyo cuntooyinka lagu farsameeyo iyo waliba khayraadka wadammo badan oo caalamka ka tirsan.

Shirkaddo Soomaali ah ayaa ka qayb ka ah bandhiga oo ay soo qabanqaabisay dawladda Imaaraadka, kuwaasi oo qaarkood xarummo ku leh wadanka Imaaraadka.

Abuukar Mubaarak Cabdalla oo ah maamulaha shirkadda Royal Meat ee ganacsiga hilibka xoolaha ayaa ka mid ah shirkaddaha Soomaalida ee ka qayb galaya bandhiga, isagoo ku sugan magaalada Dubai ayuu khadka telefoonka ugu waramay Cabdinuur Sheekh Maxamed oo BBC ka tirsan.