Nafaqo darri ba'an oo ka jirta Suudaanta Koofureed

Dhirta biyaha leh ayey sheegeen inay ku noolaayeen gobolka Unity Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dhirta biyaha leh ayey sheegeen inay ku noolaayeen gobolka Unity

Heerka gaajada ka jirta gobolka Unity ee Suudaanta Koofureed ayaa waxaa shaaca ka qaaday qoysas soo gaaray xarun ay Qaramada Midoobay leedahay.

Dumarka ayaa ka hadlayey todobaadyo ay ku noolaayeen meelo u dhow biyo-fariisadyo, ayna ku noolaayeen dhirta biyaha leh, miraha duurka biyo malab-duureed.

Wariye BBC ka tirsan oo xaruntaas joogay wuxuu sheegay carruur badan ay haysato nafaqo darro ba'an.

Qaramada Midoobay ayaa iminka wadaxaajood ka gashay sidii loo gaari lahaa deegaannada ay gacanta ku hayaan fallaagada Suudaanta Koofureed, si loogu ogolaado in gargaarkii ugu horreeyey la gaarsiiyo.

Hay'ada qaxootiga ee Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay sare u sii kacayso tirada qaxootiga ka soo cararaya koofurta ee aadaya Suudaan, tan iyo billowgii sannadkan.