Xoogagga Suuriya oo ku durkay fallaagada

Xarumaha ciidanka iyo sirdoonka ayey mintidiintu bar-tilmaameedsadeen Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xarumaha ciidanka iyo sirdoonka ayey mintidiintu bar-tilmaameedsadeen

Wararka ka imaanaya Suuriya waxay sheegayaan in xoogagga dawladda ay guulo ka gaareen laba aag oo ay kula dagaallamayeen kooxda dawladda islaamiga, ayagoo meelo kalena ka wada weerarrada cirka ee ka dhanka ah fallaagada.

Warbaahinta dawladda Suuriya ayaa sheegatay in milateriga ay u dhaqaaqeen meel dhowr KM u jirta Palmyra, halkaasoo ay kooxda I-S dib u qabsatay bishii Disembar.

Xoogagga dhanka dawladda u janjeera ayaa sidoo kale la soo sheegay inay I-S dhul ka qabsadeen, dhinaca koofureed ee magaalada Al-Bab oo ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka. Dhawaan ayaa halkaas waxaa kooxaha mintidiinta ka saaray fallaagada.

Dadka u ololeeya arrimaha Suuriya waxay sheegayaan in dayaaradaha dagaalka ee xukuumadda ay iyaguna sii wadaan duqeynta magaalada ugu dambaysa ee fallaagadu haysato ee Xums, maalin ka dib markii mintidiintu ay weerar weyn ku qaadeen bartilmaameedyo xagga amaanka ah oo halkaa ku yaalla.