Malaayiin ruux oo biyo la'aan ku ah dalka Chile

Webiga Maipo ee dalka Chile Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Webiga Maipo ee dalka Chile

Roobab iyo daadad ayaa wasakheeyay webi wayn arrintaas oo sababtay in ay biyo la'aan noqdaan afar milyan oo ku nool magaalada caasimadda ah ee Santiago.

Saraakiishu waxay sheegeen in magaalada inteeda badan laga jari doono dhamaan biyaha ka imanaya webiga Maipo tan iyo inta uu nadiif ka noqonayo.

Dadka ayaa biyo ku kaydsanaya caagado xukuumaduna waxay amartay in makhaayadaha iyo ganacsiyadu ay sii xirnaadaan.

Saraakiishu waxaa kale oo ay dib u dhigeen xiligii uu iskuulku furmi lahaa oo ku beegan Isniinta.

Shaqsiyaad ka mid ah shaqaalaha gurmadka degdega ah ayaa sheegay in biyuhu ay ka soo qulqulayaan buuraha Andes iyaga oo jaray wadooyin, xayirayna kumanaan dad ah.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Xukuumadda ayaa magalada oo dhan ka samaysay goobo xaladda degdeg ah loogu talagalay oo ay dadku biyo nadiif ah ka heli karaan

Gafarnatooraha gobolka Santiago, Claudio Orrego ayaa sheegay in guryaha biyaha laga jarayo ay yihiin 1.45 milyan kuwaas oo ay si toos ah ama qayb ahaan ay u samaayn doonto.

"Wali ma ogin wakhtiga aan sii dayn doono biyaha la cabo" ayuu sii raaaciyaya hadalkiisa.

"Masamayn karno damaanad qaad ku saabsan wakhtiga aan adeegan soo celin doono tan iyo inta uu nadiif ka noqonayo webiga Maipo.

Waxay sheegeen in soo daynta biyaha qasabadaha ay ku xirnaan doonto xaaladda cimilada iyo duufaannada iyo roobabka mahiigaanka ah ee ka da'aya buuraha.

Ugu yaraan afar ruux ayaa la ogyahay in ay ku dhinteen daadadka.

Gobollada dhexe ee Chile ayay abaaro ba'an ka jireen muddo bilooyin ah, waxaana sidoo kale dhibaato u gaystay dab qabsaday kaymo oo todobaadyo socday.