Dabkii ka kacay suuqa Bakaaraha oo la demiyay

Uuro ka baxaysa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo gubanaya
Image caption Uuro ka baxaysa suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo gubanaya

Gawaarida dad demiska ee maamulka gobolka Banaadir iyo kuwa ay leeyihiin shirkado gaar ah ayaa ku guuleystay inay demiyaan dab ka kacay suuqa Bakaaraha.

Dabka ayaa gubay qeybo ka mid ah suuqa, lamana oga qaraasaha ka dhashay, balse waxaa loo maleynayaa inay malaayiin dollar noqon karto.

Dad shacab ah oo ku noollaa nawaaxiga dabka uu ka kacay ayaa xalay xilli dambe laga saaray guryahooda.

Qiiq iyo Uuro wayn oo ka kacday suuqa ayaa laga arkay qaybo badan oo magaalada Muqdisho ka mid ah.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Gubashada suuqa Bakaaraha

Dabka ayaa billawday waaberigii, illaa maanta barqadii ayuuna soo gaaray.

Waxaa suuqa Bakaaraha gaaray intuu dabka socday gudoomiyaha maamulka gobolka Bandir, Sheekh Yusuf Xuseen Jimcaale.

Wuxuu sheegay in sababta qasaaraha badisay ay tahay in jidadka ay xirmeen, gawaarida dab demiskana ay ku adkaatay inay si fudud ku gaaraan meesha uu dabka ka bilowday.

Image caption Qiiqa suuqa Bakaaraha ka soo baxaya oo cirka isku shareeray

Ciidamo boolis ah ayaa goobta gaaray, sidoo kale maamulka gobolka ayaa iguna tagay meesha gubaneysa.

Ganacsada suuqa waxay dadka ka codsanayaan inaan la bililiqeysan alaabta xilligii uu dabka socday.

Qaybaha uu dabku waxyeeleeyay waxaa ka mid ah, qeybta maacuunta, hilibka, iyo qudaarta

Dab midkan la mid ah ayaa bishii aanu soo daafnay ee January qabsaday seddax xarumo ganacsi oo ku yaalla Bakaaraha.

Waxay u muuqataa in dabka suuqa Bakaaraha uu soo noqnoqday.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan