Dadka ku go'doonsan Mosul oo "ku nool baqdin aad u daran"

Qoysas badan ayaa si weyn u raadinaya meel ay uga baxaan Magaalada Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qoysas badan ayaa si weyn u raadinaya meel ay uga baxaan Magaalada

Rayidka ku xayiran galbeedka Mosul ayaa sheegay in xaalad xun ay meesha ka jirto, ayadoo ciidamada Ciraaq ay weli sii riixayaan ururka la baxay Khilaafada Islaamka.


Ololeeye Maxamed: - 'Waxaan ku dhimanayaa duqeyn ama daacish baa i dileysa'

Xaaladda magaalada gudaheeda waa mid laga argagaxo. Qofkastaa wuu ogyahay in burbur weyn uu dhicidoono.

Dhaqdhaqaaq kama jiro magaalada, mana jiro qof gurigiisa ka soo baxaya, haddii aysan jiri sabab weyn ama xaalad degdeg ah.

Dadka qaar waxay keydsadeen cunto, haddii ay dhacdo in magaalada la go'doomiyo.

Aad ayaan u baqeynaa, waxaan fileynaa in wejiga ugu dambeeya ee dagaalka uu qaato waqti dheer.

Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ma quusanayaa, si fudadna diyaar uma aha inay magaalada uga baxaan, howlgalkana wuxuu qaadan karaa muddo ka dheer kii bariga Mosul.

Cisbitaallada ma shaqeynayaan, qeybaha yar ee furanna daacish ayaa dagaalyahanadeeda ku daaweysa.

Shacabka waxay aadaan xarumo yaryar oo caafimaad oo gaar loo leeyahay, oo aad qaali u ah.

Daacish waxay dhaqaatiirta qaar ku qasbeysaa inay joogaan cisbitaallada oo ay daaweeyaan dagaalyahannada.

Waxaa jiro dad rayid ah oo isku deyaya inay u qaxaan dhanka Suuriya, balse waa qarsoodi.

Xaaladda halkan waan la qabsaday aniga, balse waxaa aad ugu baqayaa qoyskeyga iyo nabad gelyadooda.

Ma seexdo, waan baqayaa, mana garanayo inaan ku dhiman doono duqeynta diyaaradaha ama gacanta Ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Waxaan la shaqeeyay urur ka soo horjeeda ururka la baxay Khilaafada Islaamka oo la dhoho Cod iyo Sawir.

Sidaa darteed aad ayaan uga walaacsanahay waxa ku dhici karo qoyskeyga, ama xittaa haddii ay iga dhex arkaan muuqaal daacish ay duubtay anigoo la i qabsaday ama la i dilaayo


Samer, oo macallim hore ah: 'Galbeedka Mosul waa meel cidlo ah hadda'

Daacish waxay dib isugu uruursaneysaa duleedka dhanka Galbeed ee magaalada Mosul.

Qaar ka mid ah dhismayaasha waxay isu badaleen xafiisyo sir ah iyo meelaha laga abaabulo dagaalka.

Waxay sidoo kale dadka u dagaallama ka joojiyeen inay nastaan ama fasax qaataan.

Waxaa maqleynaa duqeymo iyo qaraxyo ka dhacaya nawaaxiga magaalada.

Diyaarado ayaa si joogto ah ugu duulaya magaalada dusheeda, labadii isbuuc ee la soo dhaafay.

Magaalada waa cidlo, way adagtahay in qof socda aad ku aragto jidadka. Xilliga mashquulka ah waa xilliyada salaadda, daacish dadka ayey ku qasbeysaa inay masaajidda yimaadaan ayadoo dagaalka uu socdo.

Masaajidda qaar, magacyada ayaa la qorayaa, waxaana la ciqaabaa kuwa aan xaadirin xilliga salaadda.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Ciidamada Ciraaq hub culus ayey ku duqeynayaan fariimada daacish

Dhammaanteen waan walaacsannahay, waxaan ka baqeynaa in xureynta magaalada ay qaadato waqti dheer.

Waxaan sidoo kale ka walaacsannahay meesha aan raashiin ka heleyno ama daawo.

Aabehey wuxuu qabaa xanuunka macaanka ama sokorta, mana u heli karo daawada la siiyo ee 'insulin' iyo daawada kale ee uu u baahan yahay.

Xaaladdiisa caafimaad way sii xumaaneysaa.

Hooyana waxay qabtaa dhiig-kar, mana u iibin karo daawada ay u baahan tahay. lama helayo, haddii la helana waa qaali.

Dadka qaar waxay isku deyayaan inay qaxaan, balse kuwa yar ayey u suuragashay.

Dadka qaar waxay siinayaan daacish $800 oo dollar si loogu ogolaado inay qaxaan habeenkii ayaa si qarsoodi ah looga saarayo magaalada.

Dadka qaar ayaa la qabtay ayagoo qaxaya ka dibna waa la dilay.

Maalin kastaa dadka waa la xiraa waxaana lagu eedeeyaa inay ajaaniib u shaqeeyaan.

Waxay joojiyeen internetka, taas oo shacabka ku adkeysay inay wararka caalamka la socdaan.

Aniga fursadda keli ah ee aan haysto waxa ay tahay inaan internet heli karo. Qofna ima oga, balse waan ka baqayaa in la igu qabto, Is ticmaalka internetka waa dembi.


Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Garoonka Mosul oo daacish laga qabsaday

Batool oo ah hooyo gurigeeda ku dhuumaneysa: "Qof kastaa wuu baqayaa"

Meel kastaa waxaa yaallo isbaarooyiin. Waxaan maqlay in qaar ka mid ah dagaalyahannada ay goosteen, daacishna way raadineysaa.

Jidadka sidii hore uma muuqdaan, qaar ka mid ah xaafadaha lamaba garan karo. Dagaalyahannada Ururka la baxay Khilaafada Islaamka waxay ku jiraan feejignaan.

Galbeedka waxaa buux dhaafiyay ciidamo, waxay u muuqataa aag militari.

Xaafadaha qaar waxaa la saaray bandow, qofkii jebiyana waxaa lagu ganaaxayaa $1,000 dollar.

Xaaladda dadka aad ayey u sii xumaaneysaa, caruurta caano ma helaan.

Seygeyga dhaqaale ma hayo, alaabta qaar waa qaali, cuntada qaarna lamaba helo.

Qofkastaa wuu baqayaa, wuxuuna ka walaacsan yahay waxa dhici kara.


Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Diyaarado ayaa duqeynaya fariisimaha Daacish ee Mosul

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan