Dilka Hogaamiyaha labaad ee Al Qaacida

Mucaaradka Suuriya ayaa sawirkan laga helay, waxayna sheegeen in ninka la dilay uu gaarigan saarnaa Lahaanshaha sawirka LOCAL CO-ORDINATION COMMITTEES
Image caption Mucaaradka Suuriya ayaa sawirkan laga helay, waxayna sheegeen in ninka la dilay uu gaarigan saarnaa

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in mid ka mid ah hogaamiyeyaasha Al Qaacida lagu dilay weerar ay qaadday dayaarad bilaa duuliye ah, kaasoo ka dhacay waqooyiga Suuriya.

Ilo xagga baraha bulshada ah oo ku dhow kooxaha mintidiinta ayaa magaciisa ku sheegay Cabdullah Cabdiraxmaan, oo ah ninka labaad ee ugu sarreeya Al Qaacida.

Warbaahin Maraykan ah ayaa soo xigatay saraakiil Ameerikaan ah oo aan magacyadooda la sheegin, kuwaasoo sheegaya inuu jiray isku day ninkaas lagu bar-tilmaameedsanayey. Magaciisa dagaalka ayaa loo yaqaannaa Abu al-Khayr al-Masri.

Haddii la xaqiijiyo dhimashadiisa, waxay dharbaaxo xoog leh ku noqonaysaa Al Qaacida, taasoo micnaheedu yahay in shaqsi muhiim u ahaa tobanaan sano ka dib uu ka baxay ururka.