Qaxooti ka soo laabtay Jabuuti
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaxooti ka soo laabtay Jabuuti

Sideed iyo labaatan qoys oo ku jiray xerada qoxootiga ee Cali Cadde ee waddanka Jabuuti ayaa dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kadib markii ay si iskood ah u dalbadeen in dib loogu celiyo waddankoodii hooyo.

Dadka laabtay oo lagu sheegay tiradooda ilaa lixdan qof ayaa celintooda waxa gacan ka gaystay hay'adda qaxootiga iyo barakacayaasha qaranka, hay'adda qaxootiga Qaramada Midoobey ee UNHCR iyo hay'adda IOM-ta.

Markay qoysaskaasi Muqdisho ku laabteen, waxaa la kulmay weriyahayaga Ibraahim Maxamad Aadan, wuxuuna kala sheekeystay waayahoodii qaxootinimada iyo dareenkooda mar haddii ay dalka dib ugu soo laabteen.