Falanqayn: Kulanka Ra'iisul wasaaraha iyo Baarlamaanka
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqayn: Kulanka Ra'iisul wasaaraha iyo Baarlamaanka

Ra'iisul wasaaraha cusub ee la magacaabay, Xasan Cali Kheyre, ayaa la filayaa in dhowaan uu hortago baarlamaanka Soomaaliya, si uu codka kalsoonida u weydiisto, ka dibna waxaa laga sugayaa inuu gole wasiirro soo dhiso.

Dhinaca kale, dawladda cusub ayaa wajahaysa culays xagga amniga ah.

Haddaba maxaa la filan karaa, mase ka badbaadi doonaan madaxweynaha iyo ra'iisul wasaaraha isqab-qabsigii u dhaxayn jiray madaxdii ayaga ka horreysay?

Su'aalahaas iyo qaar kale ayuu Faarax Lamaane weydiiyey Mursal Saneey oo ah agaasime ku xigeenka machadka Heritage ee fadhigiisu yahay Muqdisho, wuxuuna marka hore ka warramayaa kulanka dhex mari doona Arbacada, Baarlamaanka iyo ra'iisul wasaaraha.