Afar ruux oo loo raadinayo dilka Kim 'sirdoon bay ahaayeen'

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sida loo "sumeeyay" Kim Jong-nam

Hay'adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ayaa rumaysan in ay basaasiin yihiin afar ruux oo Kuuriyada Waqooyi u dhashay oo looga shakisan yahay in ay ku lug leeyihiin dilkii Kim Jong-nam.

Hogaamiyha Kuuriyada Waqooyi walaalkii oo ka wayn ayaa lagu sumeeyay garoonka diyaaradaha ee Kuala Lumpur, sida ay sheegeen booliiska Malayshiya.

Todobada ruux ee ay Malayshiya sheegtay in ay ka shakisan tahay afar ka mid ah waxay ka shaqeeyaan wasaaraada aminiga ee Kuuriyada Waqooyi, sida ay saraakiil ka tirsan sirdoonka Kuuriyada Koonfureed u sheegeen xildhibaanada.

Ma cadda cidda loola jeedo dadka ay Malayshiyo raadinayso ee la sheegay.

Kim ayaa dhintay labo todobaad ka hor ka dib markii ay labo dumar ah ku sumeeyeen garoonka diyaaradaha.

Waxay sheegeen in ay u qaateen in ay ka qaybqaadanayeen barnaamij shactiro ah oo telefishin.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Labo nin oo ay Malayshiya raadinayso ayay ku kala magacawdayn Hong Song Hac, oo 34 jir ah, (kor) iyo Ri Ji Hyon, oo 33 jir ah

Kim ayaa lagu sumeeyay xaddi sare oo kiimiko neerfaha waxyeesha, xannuun ayuuna u geeriyooday 15 ila 20 daqiiqo gudahood, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Malayshiya Axaddii.

Booliiska dalka Malayshiya ayaa xiray nin ay magaciisa ku sheegeen Ri Jong Chol maalmo ka dib markii uu dilku dhacay.

Lix nin oo kale oo Kuuriyada Koonfureed u dhashay ayay Malayshiya sheegtay in ay baaadigoobayaan iyaga oo uga shakisan dilkaas.

Lahaanshaha sawirka Science Photo Library