Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo helay codka kalsoonida

Ra'iisul wasaaraha la magacaabay, Xasan Cali Kheyre Lahaanshaha sawirka Radio Muqdisho
Image caption Ra'iisul wasaaraha la magacaabay, Xasan Cali Kheyre

Ra'iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa helay codka kalsoonida ee baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa u codeysay 231 xildhibaan oo ah dhammaan mudanayaasha fadhiga baarlamaanka maanta ku suganaa.

Ra'iisul wasaare Kheyre ayaa lagu dhaariyay aqalka baarlamaanka Soomaaliya ka dib markii la siiyay codka kalsoonida.

Ra'iisul wsaaraha cusub ayaa haysto 30 maalmood oo uu ku soo magacaabo gole wasiiro. Waxaa laga doonayaan inuu baarlamaanka u gudbiyo golaha wasiirada iyo barnaamijka ay ku shaqeyndoonaan, ugu dambeyn 30-ka bisha Maarso.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
DAAWO: Guusha Farmaajo oo si weyn loo soo dhoweeyay

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ansixinta ku tilmaamay mid muujineyso in midnimada Soomaaliya ay soo noqotay.

Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay hadda Afrika kaga hormartay dhinaca dimuquraadiyadda.

Mar uu ka hadlay Al-shabaab wuxuu yiri "Alshabaab waxay ku taagan tahay hal lug, middasna waan u bixineynaa".

Wuxuu sidoo kale sheegay in talada shacabka ay ku shaqeyndoonto dowladdiisa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dad lagaga tiro badan yahay qabiil aysan jirin maanta ka dib.

"Xisbi ayaa lagaaga tiro badanayaa, qablaayad qof looga badan yahay ma jirto", ayuu yiri madaxweynaha.

Muxuu ka hadlay ra'iisul wasaare Kheyre:

Ra'iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa baarlamaanka u jeediyay khudbo uu kaga hadlayay waxa uu doonayo inuu qabto.

Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay arrinta abaaraha, shaqa la'aanta, iyo inuu soo dhisidoono xukuumad tayo leh.

Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in "Xukuumadda ay ku shaqeyndoonto wada shaqeynta shacabka, waxayna la imaandoontaa isla xisaabtan dhab ah".

"Waxaa wax ka qaban doonaa, gurmadka abaaraha, amniga, dhisidda ciidan qaran, xasilinta dalka, la dagaallanka musuqmaasuqa, horumarinta cadaaladda iyo garsoorka, dhameystirka dastuurka, xoojinta federaalka, horumarinta dimuquraadiyadda iyo dhameystirka dib u heshiisiinta", ayuu yiri Kheyre.

Fadhiga koobaad ee Baarlamaanka oo madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu ka qeybgalayo.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday in baarlamaanka ay codka kalsoonida siiyaan Ra'iisul wasaaraha uu magacaabay Xasan Cali Kheyre.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Mursal Saney

Ra'iisul wasaare Xasan Cali kheyre wuxuu billaabayaa inuu soo xulo golihiisa wasiirada oo "tayo leh".

Golahaasi wasiirada ayaa markooda waxaa codka kalsoonida u qaadi doono baarlamaanka.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Ra'iisul wasaaraha la magacaabay oo BBC-da u warramay

Waxaa la xiray qaar ka mid ah jidadka gala aqalka baarlamaanka Soomaaliya.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan