Mucaaradka dalka Colombia ee FARC oo hubka iska dhigaya

Hogaamiyayaasha Farc ayaa sheegay inay hubkooda ku wareejinayaan Qaramada Midoobeey Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hogaamiyayaasha Farc ayaa sheegay inay hubkooda ku wareejinayaan Qaramada Midoobeey

Mucaaradka dalka Colombia ee FARC ayaa shaaciyay iin maanta laga billaabo ay hubka iska dhigidoonaan.

Arrintaasi ayaa ka dhalatay heshiis nabadeed oo kooxda iyo dowladda ay wada saxiixdeen bishii November ee sanadkii tagay.

Hogaamiyaha kooxda FARC, Ivan Marquez, wuxuu sheegay in kooxda ay billaabeyso inay hubkeeda tiriso ka hor intaysan ku wareejin kor-joogtada Qaramada Midoobeey.

Wuxuu sheegay in taasi ay cadeyneyso sida FARC ay "shardi la'aanta ugu dooneyso in nabad la helo".

Dalka Colombia waxaa ka socday dagaal sokeeye, in ka badan 50 sano.

Dowladda dalkaasi ayaan weli heshiis la galin koox kale oo mucaarad ah oo lagu magacaabo ELN.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dableyda FARC oo horraantii February gaaray Buenaventure

FARC waxay sheegtay in dagaalyahannadeeda ay iska diiwaangelin doonaan xafiiska Qaramada Midoobey, marka ay hubka wareejinayaan.

Waxaa sidoo kale la filayaa inay sheegaan meelaha ay ku jiraan miinaayiinka ay horey u aaseen.

Ku dhowaad 7,000 oo dabley ayaa hadda billaabay inay isugu tagaan 26 xarumood oo si ku meel gaar ah ay u degidoonaan.

Xarumahaas ayaa lagu diiwaangelinayaan dagaalyahanada, waxaana laga caabinayaa sidii ay bulshada u dhexgali lahaayeen.

Laakiin tallaabada lagu dhaqan celinayo waxay qaadan kartaa bilo, maadaama dowladda ay sheegtay in dhaqaale xumo ay jirto.

Qaar ka mid ah dagaalyahanada FARC waxay ka cawdeen in xeryaha loo diyaariyay aysan dhameystirneyn.

Qaar ka mid ah waxay xeryaha dhexdooda ka dhisteen goobaha ay ku hooyanayaan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan