Illaa 33 qof oo lagu eedeeyay inay ku fashilmeen caawinta dalxiisayaasha xilligii weerarka

Rezgui wuxuu galay hoteelka asigoo aanan caqabad la kulmin.
Image caption Rezgui wuxuu galay hoteelka asigoo aanan caqabad la kulmin.

Ilaalidii hoteelka iyo dad kale ayaa wajahaya eedo la xiriira inay ku guuldareysteen inay caawiyaan dalxiishayaashii ku sugnaa hoteelka Sousse oo la weeraray 2015-kii, sida xubno ka mid ah dowladda ay sheegeen.

Weerarkaasi ayaa sababay dhimasho aad u badan. Dalxiisayaal ayaa u badnaa dadka la dilay.

Waxaa dadka laga shakisan yahay loo haystaa inaysan caawin qof halis ku jiray, qaarna ay u direen dhankii halista, sida uu sheegay afhayeen dowladda u hadlay oo lagu magaacaabo Sofiyan Sliti.

Hadalka dowladda Tunisiya ayaa imaanayo ka dib markii garsoore UK ah uu sheegay in jawaabtii booliska Tunisiya ay ahayd "mid aan agaasineyn aadna u argagax badneyd".

Weerarka oo uu qaaday ardey lagu magacaabay Seyfudiin Rezqi waxaa ku dhimatay 38 qof oo u badnaa British.

Weerarkaasi masuuliyaddiisa waxaa sheegtay ururka la baxay Khilaafada Islaamka.

Ciidamadii ku sugnaa nawaaxiga waxay raadsadeen hub ayadoo ninka weerarka qaaday uu ku sii socday hoteelka, rasaas iyo bambooyinna uu ku tuurayay dalxiisayaasha.

Rezqi wuxuu xeebta ka dib, gudaha u galay hoteelka oo dad kale uu ku laayay. Booliska ayaa toogtay saacad ka dib markii weerarka uu bilowday.

Lahaanshaha sawirka AFP/Getty
Image caption 38 qof ayaa weerarka ku dhimatay, 30 ka mid ah waxay ahaayeen British

Lix ka mid ah ilaaladii hoteelka Imperial ayaa ka mid ah dadka baaritaanka uu ku socdo, sida uu sheegay Sliti.

Ilaa iyo hadda waxaa la xiray 14 qof, 12 kalena waxaa ku socdo baaritaan, balse xabsi lama gelin.

Todobo qof oo kale ayaa la raadinayaa oo weli baxsad ah, sida uu xusay afhayeenka u hadlay dowladda Tunisiya.

Baaritaanka wuxuu dhammaady bishii July ee sanadkii tagay, waxaana warbixinta loo gudbiyay maxkamadda dembiyada ee Tunisiya, mana jiro qof maxkamad la horgeeyay illaa iyo hadda, ayuu yiri Mr Sliti.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan