Koonfurta Hindiya oo laga mamnuucay Pepsi iyo Coca-Cola

Dadka u ololeynaya arrintan waxay ku talinayaan in qeybaha kale ee Hindiya laga mamnuuco oo dadka loo sheego inay biyaha qumbaha cabaan. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dadka u ololeynaya arrintan waxay ku talinayaan in qeybaha kale ee Hindiya laga mamnuuco oo dadka loo sheego inay biyaha qumbaha cabaan.

Ganacsitada gobol ku yaalla Koonfurta Hindiya ee Tamil Nadu ayaa laga mamnuucay inay iibiyaan Coca-Cola iyo Pepsi.

Ujeedada waxay tahay in waxyaabaha gudaha gobolkaasi laga soo saaro ay dadka cabaan.

Mamnuucidda oo ay soo jeediyeen labada shirkadood ee ugu sareeya gobolka, wuxuu dhaqan galayaa Arbacada.

Ganacsatada ololaha billaabay waxay sheegayaan in shirkadaha cabitaankan soo saara ay biyo badan ka qaadaan wobiyada oo beeraleydana ay dhibaato ku noqoto xilliga abaaraha.

Balse shirkadda matasha shirkadaha cabitaanada fudud ee Hindiya ayaa sheegay inay ka niyad jabeen xayiraadda la saaray.

Shirkadda IBA, oo matasha inta badan shirkadaha cabitaanada fudud waxay sheegtay in mamnuucidda "ay ka soo horjeeddo hormarinta dhaqaalaha iyo koboca uu sameynayo".

"Coca-Cola iyo PepsiCo waxay keeneen shaqo abuuris oo ay ka faa'ideen 2,000 oo qoys oo ku nool Tamil Nadu. Waxa sidoo kale si dadban uga faa'iday in ka badan 5,000 oo qoys". ayey tiri IBA.

Waxaa la filayaa in inkabadan hal milyan oo qof oo ganacsato ah u hogaansamaan amarkan cusub.

Shirkadaha ololaha waday waxay sheegeen "Waxaan bilownay arrintan ka dhan ka ah cabinaada fudud bilo ka hor. Laakiin waxaan taageero dheeraad ah ka helnay kooxda Jallikattu".

"Cabitaanada sida Pepsi iyo Coca-Cola uma wanaagsana caafimaadkaaga sababtoo ah sokor badan ayey ku daraan iyo kiimiko. Waxaan dhiiragelineynaa cabitaanada dabiiciga ah ee Hindiya ka baxa ee qudaarta ah".

Waxaa sidoo kale tukaamada waaweyn, xarumaha ganacsiga, iyo maqaayadaha lagu baraarujiyay inay suuq geeyaan waxa ay soo saaraan beeraleyda.

Pepsi iyo Coca-Cola si toos ah weli ugameysan hadlin tallaabadan.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan