Ciidamada Ciraaq oo marin muhiim ah ka jaray daacish

Maleeshiyaad gacan siinaya ciidamada Ciraaq ee dagaalka ku jira Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Maleeshiyaad gacan siinaya ciidamada Ciraaq ee dagaalka ku jira

Ciidamada Ciraaq ayaa lagu soo waramayaa in ay gacanta ku dhigeen wadadii ugu dambaysay ee isku xirto galbeedka magaalada Mosul, taasi oo ka hor istaagaysa in dagaalyahannada kooxda la baxday Khilaafada Islaamiga ay ka baxsadaan magaalada.

Ilo wareedyo ka tirsan ciidanka ayaa BBC-da u sheegay in wadadaasi jid gooyooyin looga sameeyey meel u dhow tuulada Badush oo 1okm u jirta bartamaha Mosul.

Wadadaas ayaa waxa ay gashaa magaalada Tal Afar oo ah goob kale oo ay ku xooggan yihiin kooxda dowladda Islaamiga, oo dhinaca galbeed 40km ka xigta Mosul.

Ciidamada dowladda ayaa horay gacanta ugu dhigay bariga magaalada Mosul waxayna bishii hore bilaabeen weeraro iyo duqeymo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan dhinca galbeed ee magaalada

Waxaa dhowaan xooggagga daacish laga saaraya garoonka caalamiga ah ee Mosul, saldhig militari, xarun laga dhaliyo korontada iyo dhowr goobood oo ay ku noolaayeen shacab.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Garoonka Mosul oo daacish laga qabsaday

Jeneraal ka tirsan cutubka 9-laad ayaa wuxuu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in ciidamada ay u jiraan wax ka yar hal kilomitar dhinaca waqooyiga-galbeed ee laga galo magaalada weyn ee Mosul.

''Waxaan gacanta ku haynaa wadada, waa ay inoo muuqataa'' ayuu yiri.

Dadka degaanka ayaa xaqiijiyey in hadda aanay adeegsan kerin wadadaasi, sidaas waxa ku warantay wakaalada wararka ee Reuters

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Dagaalka ayaa xowli ku socda

Bishii Novembar, ciidamada Ciraaq oo ka soo kicitamay dhinaca koonfureed ayaa waxa ay xireen wadada dhinaca galbeedka magaalada Tal Afar, taasi oo u suurtagelisay in ay isku gadaamaan goobaha ay kooxda daacish ku xoog badaneyd ee ku yaala daafaha Magaalada Mosu

Kadib waxa ay ka shaqeeyaan sidii ay ku xiri lahayeen wadada u dhaxeysa Tal Afar iyo Mosul si ay uga hor istaagaan daacish in ay wadadaas u adeegsato gurmadka.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Kumannaan qof oo shacab ah ayaa ka qaxaya magaalada

Gudaha Magaalada Mosul, maanta oo arbaca waxa lagu soo waramayaa in booliska dowladda ay ku sii siqayaan xarumaha waaweyn ee maamulka.

In kastoo ay dhismooyinkan dowladda ay ku yaalaan goobihii qadiimiga ahaa ee magaalada Mosul, haddana qabsashadooda ayaa waxay ka dhigantahay astaan guul ah.

Isniintii, ciidanka gurmad deg deg ah ayaa waxa ay gaareen buundo ku taala dhinaca fog ee galbeedka magaalada, budadaas oo ku dul taala webiga Dalja.

Buundadaas waxay ciidamada u sahashay in ay gacanta ku dhigaan marinkan, markii ugu horaysay tan iyo markii uu bilawaday weerarka Mosul bishiui Octobar.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Diyaarado ayaa duqeynaya fariisimaha Daacish ee Mosul

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan