Macallimiin laga afduubay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab

Xeryaha Dhadhaab
Image caption Xeryaha Dhadhaab

Wararka ka imaanaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegaya in laba macallin oo aan Soomaali ahayn laga afduubtay.

Macallimiintaas ayaa la afduubay xalay, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Waxaa laga kexeystay gurigooda oo ku yaalla xerada Xagardheer, Waxaana weerarka ka dambeeya koox aan la garan illaa iyo hadda.

Waxaa la aaminsan yahay in dhanka Soomaaliya loo kexeystay macallimiinta la afduubay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Wareysi: Macallimiin laga afduubay xeryaha Dhadhaab

Waxay macallimiin ka ahaayeen iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Xagardheere.

Xiriiriyaha arrimaha amniga ee ee gobolka Woqooyi Bari, Maxamuud Saalax ayaa xaqiijiyay afduubka.

Arrintan ayaa imaanyso ayadoo Kenya ay wado olole ay ku xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Waxay dowladda Kenya ku doodeysaa in amni xumo ay sababeen xeryahaasi oo ay ku jiraan boqollaal kun oo qof oo u badan Soomaali.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Daawo: Soomaaliya diyaar ma u tahay qaabilaada qaxootiga Dhadhaab

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan