Malayshiya oo joojisay heshiiskii dal ku gal la'aanta ee Kuuriyada Waqooyi

Kim Jong-nam Lahaanshaha sawirka Royal Malaysia Police
Image caption Kim Jong-nam

Dawladda Malayshiya ayaa soo afjartay hannaankii dadka Kuuriyada Waqooyi u ogolaanayay in ay dal ku gal la'aan u soo safraan dalkooda, sida uu sheegay ra'iisalwasaare ku xigeenka dalkaas Axmad Zahid Hamidi, isaga oo ku sababeeyay arrimo ammaan.

Arrintan ayaa imanaysa iyadoo Malayshiya ay baadigoobayso dad u dhashay Kuuriyada Waqooyi oo lagu tuhansan yahay in ay qayb ka ahaayeen dilka Kim Jong-nam

Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi walaalkii ayaa dhintay 13 Feebaraayo isaga oo lagu sumeeyay kiimo neerfaha wax yeesha VX.

Labo dumar ah oo loo haysto dilka Kim ayaa dacwad lagu soo oogay Arbacadii.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Doan Thi Huong oo reer Fiitnaam ah oo (dhexda) ka muuqata ayaa ka mid ah dadka laga shakisan yahay

Doan Thi Huong oo reer Vietnam ah iyo Siti Aisyah oo ree Indhunuusiya ah ayaa lagu eedeeyay in ay wajiga sun ka mariyeen Kim oo isu diyaarinayay in uu ka duulo garoonka diyaaradaha ee magaalada Kuala Lumpur ee dalka Malayshiya.

Way diideen eedaymaha dilka, iyaga oo sheegay in ay rumaysnaayeen in ay ka qayb qaadanayeen barnaamij shactiro ah ah oo Telefishin.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sida loo "sumeeyay" Kim Jong-nam

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan