Tababaraha Barcelona oo shaqada ka tagaya

Luis Enrique ayaa ku jira sanadkii saddexaad ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Luis Enrique ayaa ku jira sanadkii saddexaad ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa

Tababaraha kooxda Barcelona, Luis Enrique ayaa xilka ka dagi doona dhamaadka xilli ciyaareedkan, isaga oo sheegay in uu u baahan yahay in uu "nasto".

Ninkan 46 jirka ah ayaa xilli ciyaareedkii saddexaad laylinaya kooxda Barcelona, wuxuuna arrintan sheegay ka dib markii ay 6-1 kaga badiyeen kooxda Sporting Gijon.

Enrique wuxuu sheegay in uu yahay go'aan uu si wanaagsan u qiimeeyay ugana fikiray, ayna la tahay in uu daacad ka noqdo sida uu wax u arko. Qandaraaskiisu wuxuu ku eg yahay xagaagan.

"Waxaan jecelahay in aan kooxda uga mahadceliyo kalsoonida ay i tuseen, saddex sano oon la iloobi karin ayayna ii ahaayeen.

"Arrintani waxay la xiriirtaa qaabka aan u noolahay xirfadle ahaan, taas oo ah xal raadin aan dhamaad lahayn, iyo kobcinta kooxda. Taas oo ka dhigan in uu ii soo haro wakhti yar oon nasto, iyo wakhti yar oon qabto wax aan shaqada la xiriirin.

Sanadkiisii u horaysay wuxuu ku guulaystay saddex koob oo Horyaalka Yurub ee Champions League uu ka mid yahay.

Sanadkii horana wuxuu kooxda ka caawiyay in ay ku guulaystaan labo koob oo gudaha dalka Spain looga tartamo.

Laakiin waxay qarka u saaran tahay in ay ka haraan tartanka Horyaalka Yurub ka dib markii ay guuldarro kala kulantay kooxda Paris St-German oo 4 iyo 0 kaga badisay lugtii koobaad ee wareegga 16ka.