Wafti ka socda Golaha Ammaanka oo booqanaya Galbeedka Afrika

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay

Danjirayaal ka socda 15-ka xubnood ee uu Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka koobanyahay ayaa lagu wadaa inay boqdaan Galbeedka Afrika si ay u qiimeyaan caqabadaha ammaan ee ay sababeen kooxda mintidiinta ah ee Boko Haram iyo inay iftiimiyaan xaaladda bini'aadanimo ee ka taagan dalalka Cameroon, Chad, Nigeria iyo Niger.

Ujedooyinka Waftigan ayaa ah inay ugu baaqan Madaxda afartan dal inay la yimaadan qorsha dhamaystiran oo lagu xalinayo halista falalka ammni darada ee isaga talaabaysa xuduudaha ee uga imaanaysa kooxda Boko Harram iyo in indaha beesha caalamka lagu soo jeediyo dhibaatada meesha ka jirta oo safiirka UK ee Qaramada Midoobay u ku tilmaamay mid si weyn la isaga inda tiray.