Jiir baajiyay duullimaad diyaaradeed

Diyaarad Lahaanshaha sawirka Carly
Image caption Rakaabka ayaa diyaaradda laga dejiyay ka dib markii digniinta jiirka la soo saaray

Diyaarad u socotay Mareykanka ayaa duullimaad keeda la baajiyay ka dib markii gudaheeda lagu arkay jiir.

Diyaaradda ayaa ka kici lahayd garoonka diyaarada London ee Heathrow.

Rakaabka British Airways ayaa diyaaradda laga dejiyay ka dib markii arrinta lama filaanka ah ay dhacday.

Shaqaalihii ayaa rakaabka u sheegay inaysan diyaaradda kicikarin, duullimaad kalena la jadwaleeyay.

Shiinaha oo soo bandhigay diyaarad casri ah

Wiilka yar ee ninka tujaarka ah u eg

Shiinaha oo xabsiga dhigay aasaasayaasha "bangi been abuur ah"

Afar saacadood ayey qaadatay in doolliga diyaaradda laga saaro, ka dibna ay duusho.

Mid ka mid ahaa rakaabka, Carly, waxay sheegtay inay aamini wayday in jiir uu baajiyo duullimaadka.

"Ma hubo in dadka ay ogaayeen sida dareenkoodu uu ahaa", ayey tiri.

Waxay sheegtay in lagu wargeliyay in diyaarad kale ay raacayaan, balse saacado ay ku qaadatay inay helaan irid ay ka baxaan.

Qaar ka mid ah dadkii diyaaradaasi saarnaa ayaa baraha bulshada ku qoray sida ay uga falceliyeen jiirka diyaaradda ku dhex dhuuntay.

Mid ka mid ah rakaabka wuxuu yiri "Waxaan doonayaa in arrintan aan ka iibiyo aflaanta. Waxay u muuqataa in dadka ay ka baqayaan mas diyaaradda ku dhex jira".

Lahaanshaha sawirka Rebecca Cafe
Image caption Farriin lagu qoray Twitter-ka oo ku saabsan jiirka diyaaradda saarnaa

Maamulka diyaaradda British Airways wuxuu sheegay: "Waan ognahay in qofkaste oo diyaaradda saaran uu doonayo inuu u safro San Francisco, laakiin waxaa hadda jiro macaamiil yar oo aan dooneyno inaan dib uga celiyo albaabka".

"Qofkastoo laba lug leh hadda wuxuu u socdaa California, waana ka xunnahay dib u dhaca".

Maamulka garoonka caalamiga ah ee Heathrow ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo dhacdada.

Sanadkii 2015-kii duullimaad u socday Birmingham ayaa la baajiyay ka dib markii diyaaradda lagu dhex arkay jiir.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Rakaabka ayaa la saaray diyaarad kale

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan