Itoobiya oo "fashilisay weerar" lagu qaaday biyo xireen

Biyo xireenka waxaa laga sameynayaa wobiga Nile Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Biyo xireenka waxaa laga sameynayaa wobiga Nile

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay ka hortagtay weerary ay qaadeen koox ay "taageerto" Eritereya.

Weerarka waxaa lagu qaaday mashruuc lagu hormarinayo biyo xireen ku yaalla Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya waxay sheegteen inay dileen 13 ka mid ah kooxda weerarka qaaday.

Sida uu lagu qoray barta dowladda xiriir la leh ee Fana, kooxda waxay ka mid yihiin mucaarad ku sugan dalka Eritereya.

Mucaaradka oo ka soo jeeda qowmiyad lagu magacaabo Benishangul Gumuz, waxay ku sugan yihiin meel ku dhow xuduudda Sudan halkaas oo ah meesha biyo xireenka laga dhisayo, sida Fana ay sheegtay.

Mashruuca oo ah mid aad u ballaaran ayaa la dhameystiray boqolkiiba 50, wuxuuna dhaliyay qalalaase ka taagan gobolka Benishangul Gumuz.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Marka la dhameystiro, wuxuu noqonayaa biyo xireenka ugu weyn Afrika

Masar ayaa muddo ka shakisan in biyo xireenkaas uu yareynayo saamiga ay ka hesho wobiga Nile.

Sidoo kale Itoobiya iyo dalka deriska la ah ee Eritereya waxaa muddo ka dhex taagan qalalaaso iyo muran dhanka xuduudda ah.

Dowladda Eritereya ayaa iska fogeysay eeda ah inay ka dambeyso weerarka Itoobiya ay sheegatay inay fashilisay, sida uu lagu qoray barta internet-ka ee Bloomberg.

"Eeda waa mid been abuur ah oo lagu saleynayo sababo aan waxba ka jirin", Ayuu yiri wasiirka warfaafinta ee Eritereya Yemane Gebremeskel.

Wuxuu sidaasi ku sheegay farriin uu ku qoray barta Twitter-ka, sida lagu qoray Bloomberg.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in uusan weligii maqlin kooxda lagu eedeeyay in weerarka ay qaaday.

Dowladda Eritereya ayaa Itoobiya ka go'day ka dib dagaal aad u culus oo labada dhinac dhexmaray 1998 illaa 2000.

Waxaa la rumeysan yahay in 80,000 oo qof ay ku dhinteen dagaalkaas.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan