Wareysi: Macallimiin laga afduubay xeryaha Dhadhaab
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wareysi: Macallimiin aan Soomaali ahayn oo laga afduubay xeryaha Dhadhaab

Wararka ka imaanaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegaya in laba macallin oo aan Soomaali ahayn laga afduubtay.

Macallimiintaas ayaa la afduubay xalay, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Waxaa laga kexeystay gurigooda oo ku yaalla xerada Xagardheer, Waxaana weerarka ka dambeeya koox aan la garan illaa iyo hadda.

Lama garanayo cida afduubkani ka dambaysay, Balse sida uu BBC-da u xaqiijiyay maamulaha iskuulka ay dhigayeen macaliinta raga afduubka gaystay ayaa ahaa kuwo hubaysan,

Cali Maxamuud Maxamed waa maamulaha iskuulka qadka telefoonka ayuu ugu warramay Cabdirasaaq Xaaji Catoosh.

Mowduucyada la xiriira