Mugabe oo baaritaan caafimaad u aaday Singapore

Robert Mugabe, madaxweynaha Zimbabwe Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Robert Mugabe, madaxweynaha Zimbabwe

Madaxweynaha dalka Zimbabwe, Robert Mugabe ayaa u safray Singapore, si uu baaritaan caafimaad isugu soo sameeyo.

Safarkan ayaa imaanayo maalmo ka dib markii da'diisa ay gaartay 93-sano.

Madaxweyne Mugabe ayaa sii diciifaayay dhowaanahan, waxaana dhib ku noqday in uu socdo marka uu yimaado munaasabadaha dad weynaha.

Afhayeenkiisa wuxuu sheegay in baaritaanka caafimaadka uu yahay mid iska caadi ah oo joogto ah.

"Madaxweyne Mugabe waxaa la filayaa in horraanta isbuuca soo socda", ayuu yiri afhayeenka.

Safarkiisan wuxuu ku soo aadayaa xilli kalkaaliyayaasha caafimaadka dalka Zimbabwe ay billaabeen shaqa joojin ay ku dalbanayaan in mushaarka loo kordhiyo.

Dalabkooda ugu weyn wuxuu yahay in dowladda ay bixiso gunnadoodii 2016-kii.

Isbuucii la soo dhaafay, dhaqaatiirta ciidamada ka midka ah ayaa la howl geliyay si ay uga hortagaan dhibaatada caafimaadka, ka dib shaqa joojinta kalkaaliyayaasha.

Dhaqaatiirta dalka Zimbabwe waa kuwa ugu mushaarka yar gobolka Koonfurta Afrika, lacagtoodana waxay helaan xilliyo dambe.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan