Le Pen oo laga qaaday xasaanadda si loo dacweeyo

Ms Le Pen waxaa hadda u tartameysaa inay noqoto madaxweynaha Faransiiska Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ms Le Pen waxaa hadda u tartameysaa inay noqoto madaxweynaha Faransiiska

Baarlamaanka Yurub ayaa xasaanadda ka qaaday hogaaamiyaha xisbiga midigta-fog ee dalka Faransiiska Marine Le Pen.

Waxaa lagu haystaa inay Twitter-ka gelisay sawirro qalalaase muujinaya oo daacish ay leedahay.

Le Pen waxaa baaritaan ku haya dacwad oogayaasha Faransiiska ka dib sawiradaasi oo uu ka mid ahaa mid muujinaya saxafi u dhashay Mareykanka oo daacish ay madaxa ka jarayso.

Sawiradda oo seddax ahaa waxay Marine Le Pen baahisay dhammaadkii sanadkii 2015-kii.

Sida caadiga ah, kursiga xildhibaan ee ay hayso ee midowga Yurub, wuxuu leeyahay xasaanad aan lagu dacweyn karin.

Le Pen waxay hadda u tartameysaa kursiga madaxweynaha Faransiiska.

Fikradaha hordhaca ah ee dadka laga aruuriyay waxay muujinayaa inay ayada hogaamineyso.

Laakiin hogaamiyaha midigta dhexe, Emmanuel Macron ayaa shacbiyad helaya, waxaana suuragal ah inuu wareeg labaad kaga guuleysto.

Codeynta baarlamaanka Yurub oo si aqlabiyad ah u dhacday, waxay meel mariyeen go'aan shalay uu qaatay guddiga dhanka sharciga ee baarlamaanka midwoga Yurub oo an in Le Pen xasaanadda laga qaado.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Le Pen waxay diiday inay qalad sameysay

Le Pen waxay diiday go'aanka looga qaaday xasaanadda waxayna tiri: "Waa qeyb ka mid ah hannaanka lagu doonayo in lagu joojiyo musharraxa shacabka Faransiiska ee aan ahay".

Eedeynta waxay soo billaabatay sanadkii 2015-kii, xilligaas oo Twitter-keeda ay gelisay sawir ay uga jawaabeysay farshaxan ayada laga sameeyay oo lagu barbardhigay sida ay soo galootiga u diidan tahay iyo daacish.

Weriyaha la dilay James Foley, waalidkiisa waxay Le Pen ku eedeeyeen inay adeegsaneyso "ceeb aan la turxaan bixin".

Waxay sheegeen in sawirka wiilkooda ay u adeegsatay daneheeda siyaasadda.

Go'aanka baarlamaanka Midowga Yurub wuxuu yahay in xanaasadda iyo difaaca ay ku naallooneyso laga qaado si loo dacweeyo oo keli ah, balse ma doonayaan inay baaraan arrimaha la a xiriira inay dhaqaalaha EU si xun u isticmaashay.

Le Pen waxay horey u diiday inay tagto baaritaan booliska uu ku sameynayay eedaha loo haysto, si su'aalo looga weydiiyo.

Waxay diiday in ay qalad sameysay, waxay sidoo kale ku doodeysaa in arrinta ay tahay shirqool lagu hor istaagayo ololeheeda.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan