Sudan oo markii ugu horeysay ra'iisul wasaare yeelatay tan iyo 1989

Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Madaxweynaha Sudan Al-Bashiir

Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashir ayaa u magacaabay in uu noqdo Raisal-wasaare Bakri xasan Salax.

Bakri Xasan Saalax ayaa hadda ah madaxweyne ku xigeenka dalkaasi.

Waxay taasi ka dhigantahay in Madaxweyne Al-bashir uu dib u soo celinayo jadaga Ra'iisul wasaaraha ee uu baab'iyey markii uu xukunka afgambi kula wareegay 1989-kii.

Magacaabista Ra'iisul wasaaraha ayaa waxay qeyb ka tahay isbadel siyaasadeed la doonayo in laga hirgeliyo dalka Sudan.

Mucaaradka dalkaasi ayaa markii ugu horeysay laga qeybgelin doonaa siyaasadda Sudan.

Haddaba, waa nin ceenkee ah Raisal wasaaraha Cusub?

Bakri Xasan Salax, waxa uu ka soo jeeda qoomiyadda Nubiyan ee ka soo jeeda woqooyiga dalka Sudan.

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Al-Bashiir ayaa la hadal hayaa inuu xilka wareejin doono 2022-ka

Wuxuu ka mid yahay sarakiishii sarsare ee ka qeyb qaatay afgambigii military ee Cumar Xasan Al-Bashiir uu xukunka kula waregay 1989-kii.

Xilal kala duwan oo muhiim ah ayuu ka soo qabtay xukuumadihii hore oo ay ka mid ahayd in uu mar noqday agaasimaha waxda amniga qaranka.

Salaxa waa shaqsiga keliya ee hadda ka jooga golihii sare ee kacaanka ee gacanta ka gaystay in Al-Bashiir xukunka la wareego 27 sannom ka hor.

Dadka wax indha indheeya ayaa sheegaya in xilkan loo dhiibo ay sababtay xiriirka dhow ee uu la leeyahay madaxweynaha.

Waxa uu dhashay 1949-kii, balse curruurnimadiisi waxa uu ku soo qaatay dalka Masar halkaas oo uu aabihii ka shaqeynayey.

Waa nin saamayn weyn ku leh siyaasada iyo ciidanka dalka Suudaan.

Waxa laga filayaa in uu soo dhiso gole wasiiro oo ay ka mid noqon doonaan xubno matali doona xisbiyada mucaaradka ee Sudan.

Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa waxa la soo doortay markii ugu dambaysay 2015-kii. Sudan ayaa doorasho kale qaban doonto sanadka 2022-ka.

Waxa dhowaan la hadal hayey in Bakri Xasan Salax, laga yaabo in uu noqdo qofka xilka kala wareegi doono madaxweyne Al-Bshiir.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan