Xeer ilaaliyaha Guud ee Maraykanka oo iska casilay baaritannada faragelinta Ruushka

Jeff Sessions Lahaanshaha sawirka Reuters

Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Maraykanka Jeff Sessions ayaa cadaadiskii saarnaa kaga jawaabay in uu faraha kala baxo dhammaan baaritaannada ku saabsan in Ruushku uu farogelin ku sameeyay doorashadii Maraykanka, arrintaas oo ay wadaan waaxda dambi baarista ee dalka Maraykanka ee FBI.

Laakiin Xeer ilaaliyaha Guud wuxuu sheegay in uusan been sheegin bishii January markii uu sheegay in uusan "wax calaaqaad ah la lahayn Ruushka".

Xisbiga Dimuqraadiga ayaase ka dalbanaya in uu is casilo ka dib markii ay soo baxday in uu la kulmay safiirka Ruushka intii lagu gudo jiray ol'olihii doorashada Maraykanka ee sanadkii hore.

Eedaha sheegaya in Ruushku uu farogeliyay Maraykanka ayaa ku soo laalaabatay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

"Waxaan go'aansaday in aanan ka mid noqonin baaritaannada hadda socda iyo kuwa mustaqbalka iman doona ee la xiriira ol'olihii doorashada ee dalka Maraykanka" ayuu yiri Sessions oo war qoraal ah soo saaray.

Shir jaraa'id oo uu ku qabtay waaxda cadaaladda ee magaalada Washington DC, ayuu ku sheegay in hadaladii uu horay u sheegay markii uu shaqada uu hadda haya uu raajicinayay ay ahaayeen kuwo "daacadnimo ah oo sax ah, sida aan u fahansanaa markaas".