Daawo Malaaryo oo la ogaaday in ay sidoo kalana difaacdo xannuuno galmada lagu kala qaado

Kaneeco Lahaanshaha sawirka AP

Dawo la siiyo dumarka uurka leh ee ku sugan 35 dal oo adduunka ku kala yaala si ay uga hortagto in cudurka Malaaryadu uu ku dhaco ayaa sidoo kale muujisay in ay ka difaacdo caabuqyada galmada la isugu kala gudbiyo.

Cilmi baareyaal ka socda London School of Hygiene iyo Tropical Medicine ayaa sheegay in dawada loo yaqaanno sulphadoxine-pyrimethamine ay dumarka ka badbaadiso xannuuno iyo caabuqyo ku dhaca xubnaha taranka ee dumarka.

Cilmi baaristan ayaa lagu ogaaday in caabuqyada noocaas ah ee hooyooyinka ku dhaca in ay sababaan inta badan geerida ku timaadda carruurta uurka ku jira iyo kuwo markaas dhasha dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya.

Caruurta geeriyoota inta ay uurka ku jiraan ama marka ay dhashaan ee dalalka Saxaraha Afrika ka hooseeya ayaa lagu qiyaasay labo milyan.