Nin Kuuriyada Waqooyi u dhashay oo loo hayay dilka Kim oo lasii daayay

Ri Jong Chol oo ku sugan xabsi isaga oo qaba qalabka xabadda difaaca Lahaanshaha sawirka Kyodo/AP
Image caption Ri Jong Chol oo ku sugan xabsi isaga oo qaba qalabka xabadda difaaca

Booliiska Malayshiya ayaa sii daayay ninkii kali ahaa ee Kuuriyada Waqooyi u dhashay ee loo hayay dilka Kim Jong-nam.

Saraakiishu waxay sheegeen in la waayay cadday ku filan in dacwad lagu soo oogo Ri Jong Chol, loona masaafurin doono dambiyo dhanka socdaalka ah oo uu galay.

Ku dhawaad saddex todobaad ka dib markii uu dilkaasi dhacay dawladda Malayshiya ayaa cambaaraysay adeegsigii dilka kiimikada awoodda badan ee VX oo neerfaha wax yeesha.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee lagu sheegay "in ay aad uga walaacsan tahay" isticmaalka kiimikadaas oo waxyeelo gaarsiin karay bulshada.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Sida loo "sumeeyay" Kim Jong-nam

Kim oo ahaa dibad joog ay walaalo yihiin hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa dhintay 13 bishii Feebaraayo isaga oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kuala Lumpur.

Labo dumark ah ayaa Arbacadii maxkamad la soo taagay iyaga oo loo haysto in ay dileen Kim iyaga oo wajiga ka mariyay kiimikada VX ee neerfaha waxyeesha taas oo ah kiimiko hub ahaan loo adeegsado oo la mamnuucay.