Siddeed ciraaqiyiin ah oo loo xiray in ay kufsi ka gaysteen Austria

Mid ka mid ah dadka dacwadda lagu soo oogay oo wajiga qarsanaya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Mid ka mid ah ragga dacwadda lagu soo oogay oo wajiga qarsanaya

Maxkamad ku taalla Austria ayaa siddeed Ciraaqiyiin ah ku heshay dambi ah in ay kufsadeen gabadh Jermalka u dhalatay oo magaalada Vienna dalxiis u joogtay.

Gabadha ayaa ka qaybgalaysay xaflad lagu soo dhawaynayay sanadkii cusbaa.

Ragan Ciraaqiyiinta ah ayay da'doodu u dhaxaysaa 22 ilaa 48 sano, waxaana lagu xukumay inta u dhaxaysa sagaal ilaa iyo 13 sano.

Kufsiga ayaa dhacay saacadihii hore ee 1dii Janaayo 2016kii.

Qofkii sagaalaad oo laga shakisnaa ayaa lagu waayay dhamaan dacwadihii lagu soo oogay.

Dhamaan ragan ayaa yimid Austria iyaga oo soo galooti ah intii u dhaxaysay bilihii May ilaa Disembar ee sanadkii 2015kii.

Shan ka mid ah ayaa magangalyo la siiyay markii ay gaareen dalkaas Yurub ku yaalla.

Gabadha dhibbanaha ah oo 28 jir ah ayaa magdhaw loo siiyay 26,300 oo doolar, dacwad oogayaashuna waxay sheegeen in ay weli hayso dhibaatada ka dhalatay welwelkii iyo murugadii dhibka loo gaystay.

Labada dhinacba waxay racfaan ka qaateen go'aanka maxkamadda.