Maxay tahay sababta yaanyada looga jecelyahay dunida oo dhan?

Yaanyo Lahaanshaha sawirka iStock
Image caption Yaanyo

Haddii lagu weydiiyo, khudaarta aad dunida ugu jeceshay, waxaa suuragal ah in aadan xasuusan yaanyo.

Balse, yaanyadu waa khudaar, waa midda ugu soo saarka badan dunida oo dhan, sida uu sheegayo Dr Michael Mosley, oo ka hadlay fikradda ka dambeyso caannimadeeda.

Dadka qaar waxay sheegayaan in cambaha uu yahay midka dunida ugu caansan, marka la eego khudaarta oo dhan.

Sababta waxay tahay in ay ka heli karaan dalal badan oo daafaha dunida ku yaalla.

Laga soo billaabo Aasiya illaa Mareykanka, dadka si aan caadi ahayn ayey cambaha uga helaan.

Macmacaanka, iyo xittaa jallaatada ayaa laga sameeyaa cambo, dalalka qaar.

Meelaha ugu badan ee laga isticmaalo waxaa ka mid ah Shiinaha iyo Hindiya, oo sanadkii soo saara in ka badan 43 milyan oo tan oo cambo.

Laakiin, haddii la eego caannimada cambaha, wuxuu ka hooseeyaa tufaaxa iyo muuska.

Qiyaastii 100 milyan oo tan oo muus ayaa sanadkastaa dunida laga soo saaraa.

Tusaale ahaan, UK oo keli ah waxaa sanadkastaa laga isticmaalaa shan bilyan oo xabo oo moos ah.

Hase yeeshee, waxaa jiro dad badan oo aan aaaminsaneyn in yaanyada ay ka mid tahay khudaarta.

'Waa qurux - balse waa sun'

Hala kariyo ama ceyriin ha ahaato, maraq ama caitaan haalaga sameeyo, yaanyadu waa midda loogu isticmaalka badan yahay caalamka.

Ugu yaraan 170 milyan oo tan ayaa sanadkastaa la soo saaraa, waxayna aad uga badan tahay muuska.

  • Dunida waxaa ka jiro in ka badan 20,000 oo nooc oo yaanyo ah
  • La Tomatina Waa dabaaldeg sanadle ah oo ka dhacda Spain oo 40 kun oo qof ay ka qeybgalaan oo yaaanyada loogu talagalay.
  • Nooca ugu culus ee yaanyada waa 3.9kg.
Lahaanshaha sawirka iStock
Image caption dabaaldegga La Tomatina ee Spain

Tusaale ahaan Britain, xilliyo hore lagama isticmaali jirin, sababtoo ah, ninkii ugu horeeyay ee geeyay qarnigii 16-aad wuxuu ka qoray buug uu yaanyada ku tilmaamay "qurux- balse sun".

Sikastaba, dhowaanahan waxaa loo arkaa miro caafimaaad leh oo dad badan ay cunaan. Waxaa ku badan fitamiin C, botaashiyam, iyo Fitamiin K.

Waxaa yaanyada ka buuxo waxyaabo baadan oo laga qaado caafimaad, sida yareynta wadna xanuunka, iyo noocyo ka mid ah kansarka.

Sidoo kale waxaa la ogaaday in yaanyada ay jirka ka difaacdo dhibaaatada iyo kulka qoraxda.

Lahaanshaha sawirka iStock
Image caption Geed yaanyo

Cammuud iyo hilib

Balse waxaa xaqiiqo ah in yaaanyada sida caadiga ah aysan dhadhan wanaagsan lahayn.

Wexey leedahay dhadhan carabka uu si degdeg ah ku aqoonsado in yaanyo ay tahay, kana duwan tahay khudradda kale.

Sida seynis yahannada ay sheegeen, dhadhankeeda wuxuu isugu jiraa kharaar, dhanaan, macaan iyo sida inay cusbo ku badan tahay.

Dhadhankeeda rasmiga ah waad garan kartaa marka aan cunto yaanyo ceyriin ah ama la kariyay.

Waxaa suuragal ah in mararka qaar ay u dhadhanto sida ciidda oo kale, waxaan marna u maleyneysaa inay hilibka la mid tahay.

Marka waxay seynisyahannada dhadhankeeda ku soo koobeen, cusbo, cammuud iyo hilib.

Markastoo aad raashiin cuneyso, yaanyo way ku jirtaa, taas ayaana ka dhigeyso inay tahay miraha ugu caansan dunida, looguna jecelyahay.

Waxaana la aamisan yahay in dhadhankeeda xittaa uu qofka ka dhigayo mid caafimaad qaba oo xoog badan.

Hadaba adiga ma aaminsan tahay in yaanyada ay tahay khudradda dunida ugu caansan? Fikirkaaga noogu reeb Facebook.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan