Donald Trump oo diiday in Jeff Sessions xilka laga qaado

Sessions wuxuu shir jaraa'id ku qabtay Washington Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Sessions wuxuu shir jaraa'id ku qabtay Washington

Madaxweyne Donald Trump ayaa difaacay Xeer ilaaliyihiisa Jeff Sessions oo uu ku tilmaamay "nin daacad ah".

Hadalka Trump ayaa imaanayo xilli ay jiraan baaqyo ah inuu is casilo.

Xisbiga Dimuquraadiga ayaa sheegaya in Sessions uu "been ku dhaartay" xilligii uu ka hadlayay xaqiijinta xiriirka uu la leeyahay safiirka Ruushka.

Donald Trump wuxuu sheegay in Sessions "jawaabtiisa loo qaadan karo mid sax ah balse qaladka uusan ahayn mid ula kac ahaa".

Madaxweynaha ayaa Dimuquraadiga ku eedeeyay inay yihiin "sixiroolayaal".

Si kastaba, Sessions wuxuu ka haray baaritaanka FBI-da ay ku sameynayaan sida Ruushka uu u farageliyay doorashadii Mareykanka.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Nancy Pelosi oo ka mid ah Dimuquraadiga ayaa eedaha ugu badan u jeedineysa Sessions

Siyaasiyiinta Dimuquraadiga ayaa sii xoojiyay weerarka afka ah ee ay ku hayaan Jeff Sessions.

Waxay sheegayaan in sharaxaadii uu ka bixiyay xiriirkii uu 2016-kii la sameeyay safiirka Ruushka "inaysan ahayn wax weyn oo lala yaabo".

Trump wuxuu tilmaamay in Dimuquraadiga ay "ku guuldareysteen doorashada, haddana ay ku fashilmeen xajinta xaqiiqada".

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump wuxuu hadda wajahayaan eedo kala duwan oo ay ka mid tahay in xubno ka mid ah dadkii ololaha u sameeyay ay Ruushka xiriir la leeyihiin.

Sidoo kale waxaa lagu eedeynayaa in Ruushka uu ka taageeray farageliyay hannaankii doorashada si uu u guuleysto.

Madaxweynaha ayaa wararkaasi ku tilmaamay "kutiri-kuteen".

Siduu ku yimi cadaadiska saaran Mr Sessions?

Cadaadiska wuxuu ka dhashay hadal uu ka sheegay dhageysi socday bishii january ee sanadkan.

Waxaa la weydiiyay: "Haddii ay jirto cadeyn ah in qof ku lug lahaa ololihii Trump uu la xiriiray dowladda Ruushka, oo uu kala hadlay ololaha, maxaad sameyn lahayd?"

Mr Sessions wuxuu ku jawaabay: "Kama warhayo dhaqdhaqaaq noocaas ah. Dhowr jeer waa la igu eedeeyay inaan la xiriiray Ruushka, intuu ololaha socday. Mana awoodo inaan arrintaas ka hadlo".

Hase yeeshee, waxaa dib ka soo baxday in Jeff Sessions uu la kulmay safiirka Ruushka Sergei Kislyak si gaar ah.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Safiirka Ruushka ee Washington ka muusan hadlin arrinta

Kullanka waxaa la sheegay inuu bishii September ka dhacay xafiiskii Sessions. Sidoo kalena uu la kulmay safiirro kale oo taageerayay xisbiga Jamhuuriga.

Sessions wuxuu xilligaasi ahaa xubin ka mid ah guddiga arrimaha hubka u qaabilsan golaha Senate-ka. Wuxuuna ahaan xubin caan ka ahaa kooxdii Trump u ololeyneysay.

Jeff Sessions ayaa sidoo kale la kulmay in ka badan 25 safiirro, intii lagu guda jiray sanadkii tagay ee 2016-kii.

Hadda muxuu Mr Sessions sheegayaa?

Wuxuu ku adkeysanayaa inuusan been ka sheegin dhageysigii xaqiijinta. wuxuu yiri "Hadalkeyga waxaan u sheegay si daacad ah iyo sidii aniga ila saxneyd".

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Donald Trump wuxuu yiri "sheekada oo dhan waa warar si sharcidaro ah loo xaday iyo akhbaaraad kale"

Wuxuu tilmaamay inuu safiirka Ruushka ula kulmay sida xubin ka mid ah aqalka sare, balse uusan kulanka ahayn mid uu Trump ku matalayay.

Wuxuu sheegay: "Weligey ma arag dad Ruushka u shaqeynayay ama matalayay, kualamana hadlin arrimaha Donald Trump.

Ruushka oo qirtay in uu billaabay dagaal dhanka internet-ka ah

Muxuu Trump ka sameyndoonaa arrinta Afghanistan?

Trump oo weeraray sirdoonka iyo saxafiyiinta

Mr Sessions wuxuu qirtay in hadalkiisa uu ku wanaagsaan lahaa "mid deggan oo uu ku dhihi lahaa 'balse lama kulmin sarkaalka Ruushka laba goor".

Wuxuu ku doodayaa in safiirka Ruushka Kislyak uu kala hadlay arrimaha "argagixisada" sidoo kalena "ay isla soo qaadeen arrimaha Ukraine".

Wuxuu intaa ku daray: "uma maleynayo in waxa la sheegay uu kullankaasi ku saabsanaa. shirkaasi wuxuu ahaa mid sharci ah. waxayna ila tahay hadalka la sheegayo inuu yahay mid runta ka fog oo aan xaq ahayn".

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan