Ururada Jihaaddoonka Woqooyiga Afrika oo midoobey

Hogaamiyaha cusub ee isbeheysiga jihaaddoonayaasha Woqooyiga Afrika Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Hogaamiyaha cusub ee isbeheysiga jihaaddoonayaasha Woqooyiga Afrika

Hogaamiyaha ururka jihaaddoonka ah ee Mali, Ansar Din ayaa ku dhawaaqay inay la midoobeen laba urur oo kale oo ka mid ah Al-Qacidda.

Iyaad oo loo yaqaano Qaali, wuxuu ka soo muuqday muuqaal ay garab fadhiyeen afar nin oo kale.

Waxaa ka mid ahaa hogaayayaha ururka Al-Muraabidhuun oo uu hogaamiyano Mukhtar Belmukhtar oo u dhashay Aljeeriya.

Belmukhtar wuxuu hogaamiyaa ururka AQIM ee Al-Qacidada Woqooyiga Afrika.

Sidoo kale waxaa muuqaalka ku jiray hogaamiyaha koox ka tirsan qowmiyad Mali deggan oo lagu magacaabo Garabka Fulani Macina, Amadou Kouffa.

Isbeheysigan cusub oo loo bixiyay Jamaacada Nusrada Islaamka iyo Muslimiinta waxaa hogaamindoono Qaali.

Kooxahan waxay masuul ka ahaayeen weeraro badan oo ka dhacay Mali iyo qeybaha kale ee Saaxil iyo Saxara ee Woqooyiga iyo Galbeedka Afrika.

Kooxaha horey waxaa uga dhexeeyay xiriir iyo wada shaqeyn, balse howlgalada ayey si kala duwan u fulin jireen.

Balse isu taggan cusub ee ka dhanka ah maamulada deegaanada ay ku sugan yihiin iyo dowladaha la shaqeeyo ee caalamka ayaa sidoo kale u muuqda mid dacaayad ahaan ay u adeegsan karaan.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan