Tillerson oo aan la arkin markii la shaacinayay warbixinta xuquuqul insaanka ee Maraykanku soo saaro

warbixinta in la qoro waxaa amray Koongareeska Lahaanshaha sawirka AFP/GETTY IMAGES
Image caption warbixinta in la qoro waxaa amray Koongareeska

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Rex Tillerson ayaa jabiyey dhaqan tobanaan sano soo jireen ahaa, isagoo aan la arkin marka la shaacinayey warbixinta xuquuqda aadanaha ee sannadlaha ah ee waaxdiisu ka soo saarto dunida oo dhan.

Waaxda arrimaha dibadda ma aysan qaban shir jaraa'id, laakin waxay sheegtay in warbixintu ay ayadu is fasirayso.

Kooxda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa sheegtay in go'aanka Mr Tillerson ee ah inuusan ku lug yeelan ay u fududaynayso xukuumadaha kale inay iska indho tiraan natiijada warbixinta.

Tom Malinowski oo ahaa kaaliyihii xoghayaha arrimaha dibadda ee arrimaha xuquuqul aadanaha ee maamulkii Obama ayaa ku tilmaamay xoghayaha arrimaha dibadda sidii nin "maqane-jooge ah".

Warbixinta oo uu amray koongareeska, ayaa diiwaangelisa xaaladaha xuquuqda aadanaha ee ku dhawaad 200 oo dal iyo dhulal maamullo leh.