Urdun oo maxaabiis daldashay

Maxaabiista waxaa ku jira qaar lagu helay weerarkii safaaradda Urdun ee Baqdaad 2003 Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Maxaabiista waxaa ku jira qaar lagu helay weerarkii safaaradda Urdun ee Baqdaad 2003

Dawladda Urdun ayaa dil ku fulisay 15 maxbuus oo ay ku jiraan 10 qof oo lagu riday xukunno argaixiso sida ay saraakiil sheegeen.

Maxaabiista oo dhamaantood u dhashay Urdun ayaa lagu daldalay arooryadii hore ee Sabtida xabsi ku yaalla koofurta Cammaan, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Maxamed Momani.

Shanta qof ee aan lagu ridin xukunka argagixisada ayaa lagu riday xukun ah kufsi.

Dilkan ayaa ah tallaabo kale oo jabinaysa xannibaadii xukunnada dilka ee Urdun ay soo rogtay intii u dhaxaysay 2006 ilaa 2014.

Dadka la dilay ayaa waxaa ku jira qaar lagu helay inay ku lug lahaayeen weerarradii loo gaystay safaaradda Urdun ee magaalada Baqdaad 2003, tiyaatar ku yaalla Cammaan 2006, saraakiil ka tirsan sirdoonka xerada qaxootiga ee Baqaa, iyo dilka qoraagii Nahid Hattar ee sannadkii hore, sida uu Mr Momani u sheegay wakaaladda wararka ee Petra.