Golaha guurtida iyo muddo kordhinta xukuumadda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Golaha guurtida S/land iyo muddo kordhinta xukuumadda

Golaha guurtida ee Somaliland ayaa guddi ka kooban 21 xubnood u saaray inay ka soo talo bixiyaan muddo kordhinta xukuumadda.

Waxaa kale oo ay ka soo tala bixin doonaan sida laga yeelayo golaha wakiillada iyo golayaasha deegaanka oo iyagana wakhtigoodii ay xafiiska hayeen uu dhamaad ku dhow yahay.

Fadhiga golaha guurtida waxaa ku wehliyey la taliyaha xagga sharciga ee golaha, ahna xoghayaha guud ee golaha guurtida Cabdinaasir Aadan Beegsi oo isna guddiga lagu soo daray.

Wariyaha BBC C/laahi Jaamac ayaa weydiiyey Cabdinaasir hawsha guddiga iyo waxa laga filan karo.