Uber oo la eedeynayo

Uber waxaa la sheegay inay khiyaanto nidaamaka tagaasida Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Uber waxaa la sheegay inay khiyaanto nidaamaka tagaasida

Shirkadda tagaasida ee Uber ayaa qiratay inay isticmaasho barnaamij kombiyuutar oo sir ah, kaasoo gacan ka siinaya inay ogaadaan oo ay ka hor joogsadaan maamulayaasha inay u suurto gasho inay uruuriyaan caddaymo muujinaya in shirkadda ay jabiso xeerarka tagaasida lagu dhaqo.

Waxay sheegtay in barnaamijkaas loogu tala galay in loogu diido dadka wax khiyaana inay dalbadaan in la qaado, marka ay doonayaan inay shirqool u dhigaan darawallada.

Wargayska the New York Times ayaa shaaca ka qaaday in Uber ay barnaamijkaas u isticmaashay magaalooyin ay ka mid yihiin Boston iyo Paris, iyo dalal ay ku jiraan Australia, Talyaaniga iyo Shiinaha. Qirashada Uber ayaa imaanaysa ayadoo shirkadda ay haystaan eedeymo ku saabsan xagga jinsiga, maamulka iyo darawallada oo si xun loola dhaqmo.