Trump oo Obama ku edeeyay dhagesysiga teleefoonadiisa.

Trump ayaa ku eedeeyay maamulkii Obama dhageysiga talefoonadiisa Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Trump ayaa ku eedeeyay maamulkii Obama dhageysiga talefoonadiisa

Madaxweyne Trump ayaa ku edeeyay maamulkii Obama in uu dhagaystay wicitaannadiisa teleefoonka, waxyar ka hor markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii hore.

Mr Trump oo fariin qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaanan soo bandhigin wax caddeyn ah oo ku aadan arintaasi.

Lahaanshaha sawirka Twitter
Image caption Qoraalka Trump u bartiisa twitter-ka soo geliyay

Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku edeeyay Trump in uu indhaha shacabka ka leexinayo baaqa ah in baaritaano madax bannaan lagu sameeyo xiriirka la ssheegay in uu la leeyahay saraakiil Ruush ah.

Dhankakle afhayeenkii Madaxweynihii hore Kevin lewis ayaa sheegay in aysan jirin Obama iyo cid ka tirsanayd Aqalka Cad oo amartay in muwaadin Maraykan ah in si sir ah loo dhageysto telefoonkiisa.

Mr Lewis oo ah fhayeenka Madaxweynihii hore ee Mareykanka , Mr Obama ayaa intaasi raaciyey in ay aysan wax kajirin edeymahaasi.