Boqol iyo toban qof oo baahi ugu dhintay gobolka Bay.
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boqol iyo toban qof oo baahi ugu dhintay gobolka Bay.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dad gaaraya 110 qof ay baahi ugu dhinteen gobolka Bay ee dalka Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Hassan Ali Khayre oo shalay Muqdisho kula shiray guddiga gurmadka abaaraha ee dalka ayaa ka hadlay dadka ilaa iminka la cadeeyey in ay abaarta darteed ugu dhinteen meelo ka mid ah Soomaaliya.

Dhibaatadaasi waxaa sii dheer shuban biyood la sheegay in sidoo kale uu galaaftay noolasha ku dhawaad 70 qof oo kale muddo dhowr bilood ah.

Haddaba Isaaq Maxamuud Mursal oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee koonfur galbeed ayaa weriyaha BBC-da Farah Lamaane ugu waramay arrintaasi.