Cadaawadda u dhaxeysa K/Koonfureed iyo Woqooyiga oo sare kacday

colaadda kuuriya Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Xudduudda u dhaxaysa labada Kuuriya ayaa ah midka ugu ilaalada badan caalamka.

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa kordhisay lacagaha abaalmarinta ah ee ay siiso dadka ka soo goostay woqooyiga kuuriya isla markaana u soo gudbiyo xog muhiim ah.

Shakhsiyaadka ka soo goostanaya woqooyiga ayaa la siinayaa lacag gaareysa 860,000 oo doolar, waa haddii ay koonfurta u soo gudbiyaan macluumaad ka caawin karo arrimaheeda ammaanka.

Waxaase aad u adag in qofku uu ka soo baxsado woqooyiga oo uu Koonfurta yimaado maadaama ay tahay in la macaamilo kooxaha dadka tahriibiya oo qaadanayo kharash aad u badan.

Lacago kale oo dheeraad ah ayaa loo ballan qaaday askarta woqooyiga ee la soo goosata hubkooda.

Wasaaradda mideynta ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in lacago badan la siinayo shakhsiyaadka la soo goosta hubka noocyadiisa kala duwan.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada koonfureed ayaa sheegtay in lacagta la siinayo qofka soo goostay ay ku xirantahay waxa uu la yimid sida macluumaad iyo hub.

Waa markii ugu horreysay oo lacagahani abaalmarinta ah la kordhiyo muddo 20 sano ah.

Muwaadiniinta woqooyiga ee doonaya in ay isu dhiibaan koonfurta ayay tahay in ay u tallaabaan dhanka Shiinaha, halkaa oo haddii la qabto lagu celinayo dalkooda.

Qofkii laga soo qabta dhanka Shiinaha ee looga shakiyo in uu yahay baxsad ayaa loo gacan geliyaa dowladda Kuuriyada Woqooyi, waxa uuna muteysanayaa xabsi.

Dadka baxsadka ah ay intooda badan lacago siiyaan kooxaaha dadka tahriibiya oo ka caawiya sidii ay ku gaari lahaayeen koonfurta.

Kooxaha dadka tahriibiya ayaa waxa ay lacago xad dhaaf ah weydiistaan shakhsiyaadka doonaya in ay u baxsadaan dhanka koonfurta.

Bishii Agosto ee sanadkii 2016, Thae Yong-ho oo ahaa diblomaasi u dhashay woqooyiga isla markaana ka hawlgali jiray magaalada London ayaa noqday mas'uulkii ugu sareeyay ee ka goosta Woqooyiga.