Agaasimaha FBI-da oo "beeniyay" eeda Trump uu u jeediyay Obama

Madaxweyne Trump oo telefoon ku hadlaaya Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Eeda waxay ka dhalatay ololihii doorashada ee sanadkii tagay

Agaasimaha guud ee FBI-da James Comey aayaa beeniyay sheegashada Trump ee ka dhanka madaxweynihii hore Barack Obama.

Wuxuu Obama ku eedeeyay inuu amray in telefoonkiisa la duubo ka hor intuusan doorashada ku guuleysan, sida warbaahinta Mareynka ay ku waramayaan.

Mr Comey ayaa weydiistay waaxda cadaaladda ee Mareykanka in si cad ay u beeniyaan sheegashada Donald Trump, sida ay baahiyeen New York Times iyo NBC.

Wuxuu Comey sheegay inuu dalbanayo in arrinta la saxo, sababtoo ah "waxay muujineysaa in FBI-da ay jebiyeen sharciga".

Warbaahinta Mareykanka waxay soo xigteen xubno ka mid ah FBI oo sheegaya in Comey uu aaminsan yahay in Trump uusan hayn cadeyn uu ku xoojiyo eeda uu Obama u jeediyay.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mr Comey wuxuu sheegay inaysan jiran cadeyn loo hayo eedaha Trump uu soo jeediyay

In agaasimaha FBI-da uu canaanto madaxweyne talada haya waxay muujineysaa in cadaadis uu ka haysto dhanka Dimuquraadiga oo u sheegay inuu si cad uga jawaabo eeda, Sidaasi waxaa sheegay weriyaha BBC-da ee Washington, Nick Bryant.

Baaritaaanno dhowr ah

Madaxweynaha Jamhuuriga, wuxuu wajahayaa baaritaan aan caadi ahayn oo la xiriira faragelinta Ruushka uu "kaga helay taageerada" ololihiisii doorashada.

Wuxuu haddana markale wajahayaa inuu cadeeyo eedaha uu Obama u jeediyay ee ah in sanadkii tagay telefoonkiisa la dhageystay.

Warbaahinta New York Times iyo NBC wararka ay baahiyeen waxay ku soo aadayaa xilli Aqalka Cad uu Congress-ka ka codsaday inay baaraan in maamulkii Obama uu awooda si xun u adeegsaday.

Hadda FBI-da iyo Congress-ka waxay baarayaan xiriirkii u dhexeeyay kooxdii Trump u qaabilsaneyd ololaha iyo saraakiil Ruush ah.

Laamaha sirdoonka Mareykanka ayaa horey u sheegay in Ruushka uu farageliyay doorashada si uu Trump uga caawiyo inuu ku guuleysto doorashadii uu kula tartamay Hilary Clinton.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Mr Trump ayaa Axaddii ku noqday Aqalka Cad ka dib safarkiisii Florida

Afhayeenka Aqalka Cad, Sean Spicer, wuxuu sheegay in "dhibaatooyiin badan ay jiraan ooka dhashay baaritaanno ay siyaasad ka dambeyso oo bilowday waxyar ka hor doorashadii 2016-kii".

Devin Nunes oo ah gudoomiyaha Jamhuuriya ee guddiga sirdoonka wuxuu warbixin ku sheegay in ay "baarayaan haddii dowladda ay dabagashay axsaabta siyaasadda ololahooda iyo saraakiishooda".

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan