Ciraaq oo qabsatay buundada labaad ee Galbeedka Mosul

Ciidamada Ciraaq waxay adeegsanayaan madaafiic culus si daacish ay u riixaan Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Ciidamada Ciraaq waxay adeegsanayaan madaafiic culus si daacish ay u riixaan

Wararka ka imaanaya Woqooyiga Ciraaq waxay sheegayaan in ciidamada dowladda ay qabsadeen buundo cusub oo ku dhow bartamaha magaalada Mosul.

Buundadaasi waxaa laga saaray dagaalyahannada ururka la baxay Khilaafada Islaamka ka dib dagaal aad u culus.

Waxay meesha la qabsaday ku dhowdahay qeybta taariikhiga ah ee magaalada Mosul.

Saraakiil u hadlay Ciraaq waxay sheegeen in buundada Al-xuriyah ee wobiga Dalja ay hadda gacanta ugu jirto dowladda.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Buundooyiinka qaar ayaa dunsan

Waa buundadii labaad ee daacish laga qabsado tan iyo markii uu bilowday duullanka ku wajahan Galbeedka Mosul, laba isbuuc ka hor.

Sikastaba, ilo ku dhow ciidamada waxay sheegayaan in arrintan hadda ay hordhac noqon karto.

Waxaa la sheegayaa in ururka la baxay Khilaafada Islaamka ay sameynayaan iska cabin aad u xoog badan oo ay kaga hortagayaan ciidamada dowladda ee horey u sii socda.

Image caption Duqeyn ka dhacday Mosul, 2016-kii oo Mareykanka uu qaaday ayaa dhaawacday buundada afaraad ee Wobiga Dalja

Waxa lagu waramayaa inay daacish isticmaaleyso diyaaradaha aan duuliyuhu saarneyn ee drones-ka iyo gawaari miido lagu xiray oo dhulka la geliyay.

Ololaha daacish looga saarayo Mosul wuxuu bilowday bishii October ee sanadkii tagay.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Garoonka Mosul oo daacish laga qabsaday

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan