UK: Laamaha amniga oo ka hortagay 13 weerar, tan iyo 2013-kii

Ciidamo hubeysan Lahaanshaha sawirka AFP

Laamaha amniga ayaa ka hortagay 13 weerar oo ka dhici lahaa UK, tan iyo 2013-kii, waxaa sidaa sheegay sarkaalka ugu sareeya laanta la dagaallanka argagixisada.

Ku xigeenkiisa Mark Rowley ayaa dhankiisa sheegay in xilli kastaa ay socdaan 500 oo baaritaanno oo ka dhan ah argagixisada.

Wuxuu arrintan daaha ka rogay xilli uu billaabayay mashruuc cusub oo ah la dagaallanka "argagixisada", wuxuuna shacabka ka codsaday inay gudbiyaan wixii ay ka shakiyaan.

Wararka laga helay shacabka ayaa gacan ka geystay intabadan baaritaannada la sameeyay, sida booliska UK ay sheegayaan.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
DAAWO: Tababar ku saabsan sida la isu badbaadiyo haddii weerar argagixiso uu dhaco

Sidoo kale waxay xaqiijiyeen in dadweynaha ay ku lug lahaayeen ka hortagga qaar ka mid ah 13-ka weerar ee la fashiliyay.

Tiradan cusub waxay ka badan tahay middii la shaaciyay bishii October ee sanadkii tagay.

Sida shacabka ay gacanta uga geysanayaan arrinta ayuu ku tilmaamay "mid aan caaadi ahayn oo xad dhaaf ah".

Mr Rowley wuxuu intaa ku daray: "Qaar ka mid ah wararka shacabka soo gudbiyaan waxay la xiriireen is bedello dhanka dabeecadda qofka ah iyo dhaqdhaqaaqyo laga shakiyay".

"Qaar ka mid ah akhbaarta dadku soo gudbiyeen waxay sababeen in la bilaabo baaritaan wax ku ool ah", ayuu yiri.

Wuxuu BBC-da u sheegay Rowley, in shacab badan ay ka qeybgaleen baaritaanada.

Wuxuuna intaa raaciyay inay jiraa dad "xoogaa ka goos-haysta" inay gudbiyaan waxa ay ka shakiyaan oo aanan fahamsanyen nooca ay tahay caawinta ay booliska ka helikaraan.

Mr Rowley wuxuu dadka UK ku baraarujiyay inay "naftooda aaminaan" aysanna ka noqon "laablakac" marka ay farriin u gudbinayaan ciidamada.


Booliska qaabka ay ku heleen wararka shacabka gudbiyeen waxaa ka mid ah habab aan la shaacin oo la xiriira sida loo fashiliyo weerarada waxa loogu yeeray argagixisada.

Mid ka mid ah waxay tahay macallim wax barayay ardey "xagjir ah" ka dibna walaac ka muujiyay dabeecadaha ardeyga.

"Wuxuu i weydiiyay noocyada sunta la isticmaali karo si dad loo dilo. wuxuu ahaa wada sheekeysi aad u dheer balse wuxuu si gaar ah ii weydiinayay su'aalaha uu rabo anigana jawaabtooda waan ka gaabsaday".

Wararka kale ee shacabka ay gudbiyeen waxaa ka mid ahaa wiil 19-jir ah oo la xiray ka dib markii laga shakiyay.

Andrew Ibraahim waxaa lagu xukumay 10 sano, sanadkii 2009-kii ka dib markuu isku deyay inuu weeraro xarun ganacsi oo dad badan oo ku taalla Bristol.


Baarayaasha sirdoonka waxay sheegee in maalinkastaa qof ay xiraan tan iyo sanadkii 2014-kii.

Saraakiisha amniga ee UK waxay sheegeen in halista argagixisada ay sare u kacday, ayna suuragal tahay "inuu weerar dhaco".

Halista ugu badan waxay ka imaaneysaa dhanka ururka la baxay Khilaafada Islaamka, sidoo kale waxay sheegeen in halista Al-Qacidda ay weli sideedii tahay.

Lahaanshaha sawirka Alamy
Image caption Sirdoonka waxay ka digayaan halista daacish

Mr Rowley wuxuu sheegay in booliska ay wajahayaan hanjabaado iyo caqabado, sida qaababka xiriirka, dacaayadda iyo waxyaabo u ek inay weeraro dhicikaraan.

"Hadda waxaan ka walaacsannahay wax kaste oo ay ugu fududahay weerarada midiyaha iyo hubka fudud".

"Waxaas oo dhan waxay shaqadeeda ka dhigayaan mid dhib badan", ayuu yiri Rowley.

Sanadkii tagay, laba jibbaaar aayey ka badnaayeen dadkii wacay telefoonada ciidamada la dagaallanka argagixisada, marka loo eego sanadkii ka horeeyay.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan