Qoys reer Afghanistan ah oo la xiray markii ay ka dageen Maraykanka

Afghanistan kama aysan mid ahayn dalalka Muslimiinta ah ee dadkooda laga mamnuucay in ay Maraykanka u safraan Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Afghanistan kama aysan mid ahayn dalalka Muslimiinta ah ee dadkooda laga mamnuucay in ay Maraykanka u safraan

Garyaqaanno reer Maraykan ah ayaa gudbiyay codsi ay ku dalbanayaan in la sii daayo qoys reer Afghanistan ah oo lagu xiray dalka Maraykanka inkastoo ay haystaan dal ku gal sax ah.

Lamaanahan iyo saddex carruur ah oo ay dhaleen ayaa xabsi la dhigay wax yar uun ka dib markii ay todobaadkii hore ka soo dageen garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha ee Los Angeles.

Qoyskan ayaa haysta dal kugal khaas ah, taas oo ay ku mutaysteen shaqo ay u qabteen millatariga Maraykanka arrintaas oo halis galisay naftooda.

Afghanistan kama aysan mid ahayn dalalka hadda laga mamnuucay in ay dadkooda u soo safraan Maraykanka.

Amarkaas hore ayaa dadka todobo dal oo Muslimiin ah ka mamnuucayay in ay u safraan dalka Maraykanka ka hor inta aysan hakinin maxkamadda faderaalka ee dalka Maraykanka. Maamulka Trump ayaase diyaarinaya amar madaxweyne oo cusub.

Codsiga lagu dalbanayo in la sii daayo qoyska reer Afghanistan waxaa soo gudbiyay mashruuca caawinta qaxootiga ee caalamiga ah ama International Refugee Assistance Project, kuwaas oo sheegay in qoyska xabsi loo taxaabay "iyadoo aan wax cadayn ah loo haynin xiritaankooda. Taasina ay sharci darro ku tahay marka la eego dastuurka dalka.