Askari hore oo reer Britain ah oo lagu dilay Kenya

Tristan Voorspuy Lahaanshaha sawirka Offbeat Safaris
Image caption Tristan Voorspuy ayaa lix sano ka tirsanaa ciimmada Britain

Nin horay uga tirsanaan jiray milatariga Britain ayaa toogasho lagu dilay isaga oo Kenya jooga sida uu sheegay booliiska dalkaasi.

Tristan Voorspuy waxaa Laikipia ku dilay dad xoolo dhaqato ah Axaddii, isaga oo soo indhaindhaynaya huteelo uu leeyahay, sida uu wakaaladda wararka ee AP u sheegay sarkaal ka tirsan booliiska deegaankaas.

Arrintan ayaa daba socotay ka dib markii dad xoolo dhaqato ah ay galeen dhul beereed iyadoo deegaannadaas ay ka jiraan abaar.

Voorspuy wuxuu ahaa ninkii aasaasay shirkadda dalxiiska ee Offbeat Safaris.

Martin Evans, oo ah gudoomiyaha ururka beeralayda ee Laikipia ayaa sheegay in Voorspuy la weeraray isaga oo indhaindhaynaya huteel uu leeyahay oo dab la qabadsiiyay.

Ka dib markii uu soo noqon waayay galinkii dambe ee Axaddii ayaa baaritaan diyaarad loo adeegsaday oo la sameeyay lagu arkay faraskii Voorspuy oo dhaawac ah laakiin isagii ayaa la waaya, sida uu sheegay Evans.

Koox lugaynaysa ayaa markii dambe maydkiisa ka heshay guri burburay.

Qaar ka mid ah saraakiisha ayaa dhulkan xooga lagu galayo ku eedaysay abaarta ba'an ee xoolo dhaqatada ka dhigtay kuwo quus ku dhaw oo aad u baahan.

Laakiin beeralaydu waxay sheegeen in ay tahay arrin la siyaasadeeyay iyo qayb ka mid ah qorshe lagu doonayo in dhulkooda lagu qaato.

Qaar ka mid ahna waxay siyaasiyiinta deegaanka ku eedeeyeen in ay dhiirigalinayaan in uu qalalaase dhaco inta lagu guda jiro doorashada guud ee bisha siddeedaad ka dhacaysa dalka Kenya.