Wenger: 'Wararka khilaafka Sanchez waa been cad'

Arsene Wenger iyo Sanchez Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Arsene Wenger iyo Sanchez

Tababaraha kooxda Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay "in ay been cad tahay" wararka sheegaya in uu khilaaf dhexmaray Alexis Sanchez iyo ciyaartoy kale oo kooxda ka tirsan oo ay wada tababaranayeen.

Alexis Sanchez iyo ciyaartoy kale oo reer Arsenal ah ayaa la rumaysan yahay in uu khilaaf dhexmaray ka dib markii uu kalabar kaga tagay tababarkii loogu diyaargarobayay kulankii Sabtidii lagaga adkaaday ee ay Liverpool la yeesheen.

Waxay is qabteen ciyaartoy kale markii ay ku soo laabteen qolka dharka lagu badasho, mid ka mid ah ayaana gadaal loo jiiday ka dib markii uu xanaaqu sii batay.

Laakiin tababaraha Arsenal ayaa yiri "waxba kama ogi arrintaas, waxba maysan dhicin".

Sanchez ayaan ciyaarta lagu billaabin wuxuuse garoonka Anfield soo galay qaybtii labaad ee ciyaarta iyada oo Arsenal lagaga badiyay 3-1.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay in go'aanka Sanchez lagu fariisiyay qaybta hore ee ciyaarta uu ahaa mid xeeladeed.

Lahaanshaha sawirka Rex Features

Wenger ayaa qaybtii labaad ee ciyaarta soo galiyay ciyaaryahankan oo ah midka ugu goolasha badan kooxdiisa iyadoo kooxda lagu leeyahay labo gool wuxuuna bixiyay baaskii uu goosha u badalay Danny Welbeck.

Sanchez ayaa si toos ah ugu luglahaa 26 gool oo Arsenal ay dhalisay 26 ciyaarood oo ka tirsan horyaalka Ingiriiska, isagu wuxuu dhaliyay 17 wuxuuna ciyaaryanno kale ka caawiyay in ay 9 gool dhaliyaan.

Si kastaba ha ahaatee Wenger ayaa sheegay in uu go'aansaday in uu badalkii Sanchez ciyaarta ku bilaabo Welbeck iyo Oliver Giroud si ay ula yimaadaan weerar toos ah.

Guuldarradan ayaa ahayd tii saddexaad ee soo wajahda Arsenal afartii ciyaarood ee ugu u dambeeyay ee Horyaalka Ingiriiska ka tirsan ee ay dheelaan, arrintaas ayaana u horseeday in ay hoos uga dhacaan ka mid ahaanshaha afarta kooxood ee horyaalka Ingiriiska ugu sareeya.