'Ku dhawaad 200 baan u dilay Duterte dartii'

Duterte wuxuu horeey u sheegay inuu laynayo dadka looga shakiyo ka ganacsiga daroogada. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Duterte wuxuu horeey u sheegay inuu laynayo dadka looga shakiyo ka ganacsiga daroogada.

Sarkaal horey uga mid ahaan jiray booliska Philippines ayaa sheegay inuu dilay ku dhowaad 200 oo qof ka dib amar kaga yimi madaxweynaha dalkaaasi Rodrigo Duterte.

Askeriga oo hadda howlgab ah ayaa sheegay in dilka loo fuliyay si guud.

Rodrigo Duterte, oo hadda ah madaxweynaha Philippines, ayaa xilliga dilka uu dhacay ahaa maayar magaallo.

Arturo Lascanas wuxuu horey u diiday inuu dad badan u laayay Duterte aawadii, xilligii uu maamulayay Davao.

Balse, dhageysi dacwad oo si toos ah TV looga baahiyay ayuu Lascanas ka sheegay inuu markii hore been sheegay.

"Waxaan u baqay nolosha dadka aan jeclahay" ayuu yiri xilli uu ka hor marqaati furayay golaha aqalka sare ee Senate-ka Philippines.

Afhayeen u hadlay Duterte wuxuu sheegay in eedaha ay yihiin been abuur.

Laakiin marqaati kale ayaa cadeyn taasi la mid ah bixiyay, sanadkii la soo dhaafay.

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan