Nigeria oo shacabkeeda uga digtay inay Mareykanka u safraan

Madaxweynaha Nigeria Maxamadu Buharii Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Madaxweynaha Nigeria Maxamadu Buharii

Dowladda Nigeria ayaa muwaadiniinteeda u sheegtay in aysan u safrin dalka Mareykanka ka dib markii dadkeeda oo sitay dal ku gal sax ah la xiray.

Waxaa la sheegay in dadkaasi lagu xiray garoomada xilli ay galayeen dalkaasi Mareykanka.

Warbixin ka soo baxday xafiiska la taliyaha gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan arrimaha dibadda Abike Dabiri-Erewa, ayaa lagu sheegay digniinta.

"Isbuucyadii la soo dhaafay, waxaa xafiiska la soo gaarsiiyay kiisas ah in dad Nigerian ah oo dal ku gal sax ah haysta loo diiday in ay galaan Mareykanka, dibna loogu soo celiyay dalkooda", ayaa lagu yiri qoraalka.

"Dadkaasi oo dhan waxaa la soo saaray diyaaradihii ugu dhowaa ee Nigeria u soo socday, waana lagala noqday dal ku galka ama visa-ha".

Dabiri-Erewa waxay sheegtay in "aan la bixinin sababta maamulka socdaalka Mareeykanka ay ugu diideen muwaadiniinteeda inay dalkaasi galaan".

Waxay ku boorisay in "dadka aanan u socon waxyaabo muhiim ah ay ka fikiraan inay baajiyaan safaradooda ama dib u dhigaan illaa ay kala cadaaneyso sababta dadka loo soo celiyay".

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Buhari: Xaaskeyga jikada ha ku ekaato

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan