Mataano 97 sano jira oo qabow ugu dhintay Maraykanka

Martha Young Williams ( bidix) iyo Jean Young Haley Lahaanshaha sawirka AP

Labo dumar ah oo mataano ah oo da'doodu tahay 97 jir ayaa u dhintay qabow xad dhaaf ah iyaga oo ku sugan meel ka baxsan gurigooda oo ku yaalla gobolka Rhode Island ee dalka Maraykanka.

Booliisku waxay sheegeen in Martha Young Williams iyo Jean Young Haley ay Jimcihii ku kufeen wado yar oo aada gurigooda oo ku yaalla magaalada Barrington.

Waxaa arkay dariska Subaxnimadii Sabtida waxaana loola cararay isbitaalka, halkaas oo lagaga dhawaaqay in ay geeriyoodeen.

Gabdhaha walaaladood ayaa sheegay in dumarkaasi ay u noolaayeen si qurux badan ayna ahaayeen dad naxariis badan.

War ay soo saareen qaraabada haweenka geeriyooday ayaa Isniintii lagu sheegay in ay dhiirigalin ahaayeen marka la fiiriyo sida ay niyadda ugu hayeen nolosha.

Mataanahan ayaa habeenimadii Jimcahan ka soo laabtay guriga Haley halkaas oo ay kula soo casheeyeen walaashood oo 89 jir ah.

Baareyaashu waxay sheegeen Williams ay kuftay marka hore Haley-na ay ka dabo kuftay iyada oo isku dayaysa in ay walaasheed caawiso.