Muxuu ka dhigan yahay ammarka cusub ee Trump
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muxuu ka dhigan yahay amarka cusub ee Trump

Aqalka Cad ayaa sheegey in uu madaxweyne Trump saxiixay amar cusub oo ka mamnuucaya Maraykanka dadka u dhashay lix wadan oo muslimiin ah in ay u safraan dalkaasi.

Sharciga oo uu hore usoo saarey Trump ayey maxkamaduhu joojiyeen, Xeerkan ayaa qabanaya dadka lixdaas wadan ee dalbanaya dal kugalka cusub, Ciraaq oo hore uga mid ahayd wadamada xeerkii hore uu saameeyey ayaa iminka liiska laga saarey kadib markii ay dowladda Ciraaq ogolaatey in si dheeraad ah loo baadho dadkeeda dalbanaya dal ku galka Mareykanka.

Sharcigii hore oo Mareykanku ku sheegey in uu muhiim u yahay amaanka wadanka ayaa dibadbaxyo badan laga sameeyey meelo badan oo ka mid ah adduunka,

Wadammada xeerkani qabanayo ayaa ah Iraan, Suudan, Suuriya, Liibiya, Soomaaliya iyo Yemen.

Haddaba go'aanka Trump ee cusub maxaa lagu micnayn karaa, arrintaasi ayuu Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ka waraystay Feysal Cabdi Rooble oo khabiir ku ah arrimaha caalamka.